Goodax, sida umadda Soomaaliyeed ogayd, waa Wasiirka arrimaha gudaha. Wasaaraddu, waxay ka mid tahay 4ta wasaaradood oo, ugu muhiimsan wasaaradaha dalka. Xilliga hadda la joogana, wasaaraddaas, ayaa kow u noqonaysa afarta wasaaradood qudhooda, duruufta lugu jiro awgeed. Dhinaca kale,marka la fiiriyo awood qaybsiga beelaha ee dawladda lugu dhisay “inkastoo uusan sax ahayn”, Goodax kursiga uu ku fadhiyo waa loogu hiiliyey. R/Wasaaruhuna, kow ayuu ka ahaa intii ugu hiillisay, maaxaa yeelay, waxaa asaga shakhsi ahaan iyo beel ahaanba uga mudnaan karay, shakhsiyaad kale ama beel-hoosaadyo kale oo isla beeshiisa guud ka mid ah. Su’aashu, markaas waxaa weeye Goodax maka soo baxay hawshii loo igmaday? Jawaabta ka dheeho warbixinta soo socota:
Warbixintan ama lafa-gurkan dhaliisha u ekaan kara, waxay la xiriirtaa, wixii Goodax ficil ahaan sameeyey, ama qowl afka kaga dhawaaqay muddo aad u kooban oo asagu la soo taagan yahay, ee marnaba shaqo kuma laha qiimayn (Judgment) kale oo lugu sameeyey.
Haddaba, akhristow iyo Goodaxow, si aan loogu qaadan in, Wasiirka, la dulminayo, ama laga eexanayo ama siyaabo kale looga soo horjeedo, bal aan isla eegno khaladaadka iyo gabbood-falka xad-dhaafka ah ee aan caadiga ahayn oo asagu galay muddo yar gudaheeda.
1. Qoodax, inta Soomaali iyo af-Soomaaliba dhaafay, ayuu Idaacada caalami ah oo Af-qalaad ku hadasha tegay oo xukuumaddiisii, R/wasaarihiisii iyo Golihii Wasiirarda ee uu ka tirsanaa si been abuur ah, oo xaqiiqada ka fog u daacayadeeyey, ulana diriray; wuxuuna sidaas yeelay asagoo qaba shaarkii Golaha Wasiirrada oo, aan is-casilin. Intuu Koopenheagan joogay, wuxuuba ku daray guddoonkii baarlammanka.
Hadduu is-casili lahaa, kadibna sababaha uu isu casilay si asluub leh u sheegi lahaa, oo markaas dhihi lahaa R/Wasaaraha ayaan la shaqayn waayey, Goodax wuxuu noqon lahaa nin mabda’ leh. Laakiin arinta uu sameeyey ee xad-gudubka iyo aflagaadada aan kala go’a lahayn oo waliba heer wasiir ah, bal halla sheego meesha ay hab-maamuska dawladnimo ka soo gasho?
2. Goodax asagoo, wasiirkii Arrimaha Gudaha ah, ayuu noqday Af-hayeenka Madaxweynaha, jagadaasna wuxuu u qaatay inuu asagoo madaxweynaha afkiisa ku hadlaya uu R/Wasaaraha la diriro dacaayadeeyana, arrintana u celiyo qabyaaladdii waddanka rogtay, si dhaqanka Soomaalida iyo kan diintaba ka baxsan, marka ninkii, xilka weyn hayey, wuxuu ka door-biday inuu cadaawad abuuro; marka asaga ayaa hoos isu dallacsiiey, ee saw markhaati ma doonto maaha?
3. Goodax wuxuu yiri “Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu soo magacaabayaa RA’IISUL WASAARE CUSUB” ayadoo C/Weli fadhiyo, haddii uusan xilka hadda ka degin” Taasi dhinac waa hanjabaad qabyaalad caadifad iyo fudayd ku dhisan, Xataa Daacayad maaha, ee waa qayru-mas’uulnimo aan loo aaba-dayin. Laakiin aynu weydiinnee; ma madaxweynahaa hadalkaas kuu wakiishay inaad adigu tasriixaas bixiso, asaga afkiisa lagama hayee? Wax qoraal ama markhaati oo arrintaas la xiriirta ma u haysaa? Hadalkaani wauxuu umadda ugu muuqdaa waxa loo Yaqaan “Speculation ee ma qofkeed baad tahay, mise xilkeed baad haysaa?
4. Qoodax wuxuu yiri “annakoo 16 wasiir ah ayaan warqad u qornay R/Wasaaraha inuu xilka ka dego 24 saacadood gudahooda”. Warqadaas waxaa la galiyey websiteyada adduunka oo dhan. Haddii arrintan la falanqeeyo:
a. Horta Wasiirradii qaarbaa arrintaas si cad u beeniyey, sheegayna in lugu been abuurtay. Haddii arrintu saas tahay waa fal-danbiyeed, ku soo noqonaya ciiddii arrintaas qiratay. Wasiirraduna waa isku darajo, waxayna xaq u leeyihiin inay maxkamad la istaagaan ciddii ku been abuurata ee taasi yey kaa hoos bixin;
b. Haddii la eego nidaamka caalamka oo dhan, bal dawladda iska daaye, xataa jabahad dad ayagoo weli ka mid hay’ad haddana hay’adoodii adduunweynaha ku dacaayadaynaya oo ku dacwoonaya wax maamulkooda ku kooban oo ayagu ay xallin karaan? haddii kalana ay sharciga ku xallin karaan, adiga ka hor lama arag.
c. Waxaad caddaysay inaad warqadda ku qorteen waxa loo yaqaanno amar kama danbays ah “Ultimatum” oo ah ama is-casil ama tallaabo ayaan kaa qaadaynaa. Amarka noocaan oo kala ah waxaa bixiya labada qof kan darajo sarreeya ee marka Goodax arrintaas maka fiirsatay, sida aad adiga iyo R/Wasaaruhu u kala saraysaan? mise si kale ayaad wax isaga dhaadhicisay?
d. Fikir guud oo Golaha Wasiirradu qabo, kulligood ama qaarkood, wuxuu ka soo bixi karaa oo kaliya Shirarka Golaha Wasiirrada ama shirka Golaha Shacabka hadday xildhibaanno yihiin,(sababtaas ayaa gole loogu sameeyey, si ay arrimahooda u soo xalliyaan, dabadeedna wax bisil shacabka ula yimaadaan. 2da Gole waxay xasaanad ku leeyihiin oo kaliya intay fadhiyaan shirarka Golayaasha maxaa yeelay markay shirarku jiraan waxay hayaan hawl qaran), ayadoo waliba la qaadayo daqiiqadaha (the minutes) dabadeedna gunaanadka la soo saaryo, wixii wasiirradu ku hadleen oo markaas qoraal rasmi ah loo beddelay, oon xan, dhumaalaysi iyo kooxaysi midna ahayn.
Haddii marka, sida Goodax sheegay, wasiirro badan fikirkaas qabaan, nidaamku waxaa weeye, inay shirka golaha wasiirrada ka sheegaan afkaartooda ayadoon waliba u ekayn shirqool iyo inqilaab midna cadawnimana aan laga dareemayn, ee laga dheehan karo daacadnimo, wadaninimo iyo xilkasnimo intaba. Haddii markaas qoraal ay ka fursan weydo, waa in wasiir walba oo fikirkaas qaba warqad protocol leh oo rasmi ah oo xafiiskiisa iyo wasaaradiisa ka soo baxday oo wasiirkaasi soo qoray soona saxiixay uu u soo gudbiyo R/Wasaaraha. Sow ceeb, fawdo,iyo aqoon la’aan dawladeed ma aha in 16 wasiir oo mid walba Portfolio weyn leeyahay, ummad iyo wasaarad dhanna wakiil ka yahay hal warqad, hal fikrad, iyo dhawr eray oo hal qof soo qoray laga saxiixo.
e. Waxaad tiri “C/weli hadduu is-casili waayo madaxweynuhu asagoo meesha jooga ayuu R/Wasaare kale magacaabayaa! Horta markasta waa lays qaban jiray, saasoo ay tahayna arrintaasi waligeed ma dhicin ee xaggeed fikradaan ka keentay? Ma dunidaad nidaam aad adigu keensatey oo cusub u jidaynaysaa? Ma la socotaa haddii Safiir dal loo magacaabo, inuusan dalkaas tegi karin oo waraaqihiisa aqoonsiga geyn karin, ilaa safiirkii uu beddelay dalkaas ka baxo.
Markaas R/Wasaare xaggee joogaa? Kolley adigu R/Wasaare uma sharraxnid, haddaan wax kale dhicin. R/Wasaare kasta oo yimaadana qof Qayrul-Masuul oon shaqadiisa iyo hab-maamuuska dawladnimo jago danbe u dhiiban maayo, ee ma mid aad adigu gacanta ku samaysato ayuu noqonayaa?
f. Waxaad tiri “Xildhibaano 20 ah oo aad u yar ayaa is-hor istaagay mooshinkii xilka looga qaadi lahaa Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed, waxaana mooshinkaas waday (baad tiri) 140 xildhibaan oo ah tiro aad uga badan kuwa fowdada waday” Horta sida dadka Soomaaliyeed intiisa badan qabaan, dibad iyo gudaba, dadka moosjinka ka soo horjeeda wuu badanaa baarlamaan, shacab iyo beesha caalamkaba, wuxuuna kumanaan jeer ka badan yahay kuwa mooshinka waday. Taasna macnaheedu ma ahayn in R/Wasaaraha shakhsiyan loo danaynayey ee waxaa umadda Soomaaliyeed iyo inta Soomaliya danaysaba ka daaleen, mooshin xukuumad ridid iyo dhisid ah, oon ku imaan shaqo la qaban waayey iyo baarlammaan xukuumad la xisaabtamaya toona, ee ku dhisan “QALBIGAA KU DOONAY IYO QALBIGAA KU DIIDAY” oo, markasta socda, lagana soo abaabulayo baarlammaanka bannaankiisa, oo, xumaan, khilaaf iyo nacayb mooyee aan wanaag soo kordhinayn, umadda Soomaaliyeedna ceeb kale iyo niyad-jab hor leh ugu sii dara dhibaatadii 25 sano ragaadisay. Haddiise taada luguu raaco 20 qof oo xaq iyo niyad fiican ku socota way ka adkaan karaan kuwa sidaas u badan oo baadil ku socda taasna Allah SWT ayaa quraanka ku sheegay.
g. Waxaad tiri R/Wasaaruhu wuxuu waayey kalsoonidii madaxweynaha iyo tii baarlammaanka. Marka ha luguugu celiyee madaxweynuhu meel uu kugu wakiishay lama hayo. Marka 2aadna Madaxweynaha iyo R/wasaaruhu way is hayaan oo khilaaf xooggan ayaa ka jira, markaas haddii uusan madaxweynuhu kalsooni u hayn R/Wasaaraha, R/Wasaaruhuna waa sidaas oo kale illeen waaba is dagaalsan yihiine, laakiin tan baarlammanka run kama aadan sheegin maxaayeelay waliba baarlammaanka cod loogama qaadin, markaas hadalkaagu dacaayad ayuu noqonayaa.
h. Mr. Goodax 3 beri ka hor waxaad tagtay Kismaayo adigoo wata Wasiirrada aad isu xulafaysateen la dagaallanka R/Wasaaraha, adinkoo ujeedadiinnu tahay inaad soo fur-furtaan barnaamijyadii dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta ee R/Wasaaruhu meeshaas ka hirgaliyey iyo colaadihii uu soo af-jaray.Kismaayana waa meeshii intaad tagtay waqti dhaw aad ka soo horjeesatay haddaba saw ma cadda inaan dagaalka aad R/Wsaaraha kula jirto uusan xad lahayn.
i. Arrinta Baydhobo ee murugsan, kumaadan ixtiraamin Ra’iisula Baarlamaanka, Dawladda aad wasiirkeeda tahayna waad ku khilaaftay go’aankeedii ahaa idadka laysku soo jiido nabad iyo is afgaradna wax lagu dhemeeyo ee sidayd badani ka muudo ayaad bareer Shariif Xasan ula safatay oo inta 2saac Baydhabo tegey soo masaafaystay (soo afduubay) aayihii Ummadda Deegaankaas oo ay colaado iyo abaaro soo daashadeen. Taasi bal aan ku weydiiyee ma xilkasnimaa?
Dhinaca kale markaad intaas oo dagaal cad ah R/Wasaaraha aad la beegsatid, soo asaguna inuu iska kaa difaaco khasabkuma aha? Saw taasi xiisad siyaasdeed iyo mid colaadeed ood abuurtay oo xataa golaha Wasiirada dhaafsiisan maaha? Saw colaadda aad hurinaysid saamayn kuma yeelan karto degaannadii laga soo jeeday oo waliba derisa ah oo walaalo ah? Saw markaas wixii dhaca masuuliyadeeda ma qaaanaysid?
Haddaba, Jaalle Wasiir Goodax: arrimahaas aadka u fara badan, oo noocyadaa ah, oo aad adigu abuurtay, horesedna u tahay cid kasta gadaal ha kaa taagnaatee, maku tala gashay inaad adigu masuul ka tahay Cawaaqib-xumada ka dhalan karta? Afkaartaan gurracan eed ku shaqaynaysid ma jirtaa cid kaala talisa? La taliye-yaal maku dhex leeday dadka aad matashid. Qoyksa aad ka soo jeeddo waa qoys wadaninimo, deris-wanaag iyo culays-dhex-dhexaadnimo ku shisan lagu yaqaanay. Maxaa wasiir kaa qaldan?
Gabagabadii, maadaama Goodax, xilkaas weyn oo farda-kula cararka ah uu helay, oo darajadiisu (Protocol-kiisu) sidaas kor loogu qaaday, wuxuu noqonayaa qofka 3aad ee golaha wasiirrada. Waxaa ka horreeya R/Wasaaraha iyo ku/xigeenkiisa oo kaliya. Xilkaas beeshiisa guud, wuxuu ka yahay xilka 2aad, oo Madaxweynaha kaliya ayaa ka horreeya. Marka shakhsiga darajadaas lugu aaminay ama lugu dhoobay hadduu dhaqankiisu yahay khaladaadka muuqda ee kor ku xusan iyo kuwa kale oo gacantu gaari-weyday, oo, joogta ah, oo xataa qofka aan siyaasad ku jirin, aqoonna lugu tuhmayn uu garan karo, oo qabyaalad, caadifad, bisayl la’aan iyo qayrul-mas’uulnimo xanbaarsan, soo nasiib darro maaha?
Markaas soo uma barooranaysaan, umana ducaynaysaan shacabka Soomaaliyeed in ilaahay ka caymiyo ceebta iyo dhibaatada kale oo mas’uuliyiinta noocan oo kala ah u soo jiidayaan.
Haddaaba Md. Goodax markaad dhaqankiisa siyaasadeed dhinac walba ka eegtid, aadna tix-galisid arrimaha kor ku xusan, sow uma eka midaan fahamsanayn xilka la huwiyey? Soomaali xaalkeeduna soo Maahan “CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMAQODNA”.
Cabdicasiis Colaad
acolad@yahoo.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com