Bishii Janaayo 1991 kullan ay xarunta Villa Baydhaba ku lahaayeen waxgarad Soomaaliyeed oo loo xulay xal u helidda dagaalkii hubaysnaa ee ka qarxay maalmo ka hor magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadal ka jeediyay nin oday ahaa oo ka tirsanaa saraakiishii ciidanka Soomaaliyeed isaga oo oranaya “ Taariikhda ayaa na xusi doonta haddii aan maanta ku guulaysano in aan dagaalka joojino oo aan dalka nabad ku soo dabbaalno, waar maanta fursad ayaan haysanaa ee yaanan fursadda la dayicin”.
Hadalka ninkaa odayga ah waxaa ka horeeyay kana dambeeyay hadallo kale oo odayaal madasha joogay ay jeediyeen kuwaa oo dagaalka in la joojiyo nabaddana la qaato ku xirayay shuruudo!, haseyeeshee markii dagaalkii baahay nabaddiina cirka ku laalantay dhamaan dadkii kullankaa joogay waxaa gaaray khasaaro xoogan oo waxa ay waayeen wixii ugu qaalisana noloshooda oo ahaa Qaranimo, dagaalkiina waxa uu ku yeeshay noloshoodii saamayn toos ah iyo mid dadban, magac iyo muuqaal ay bulshada ku dhex leeyihiinna maalinkaa ayaa ugu dambaysay.
Dhacdadaa keligeed ayaa ku filan in darsi laga qaato, waxaase muuqata in mudadaa rubuc qarniga ah aanan laga faa’iideysan dhacdooyinkii kala duwanaa ee na soo maray, iyada oo mar kasta oo uu khilaaf dhaco laguna guul daraysto in khilaafka la maareeyo dhaxalku uu noqonayay dib u dhac ku yimaada hanaanka siyaasadeed iyo hiigsiga dawladnimo, waxaana intaa dheer in ragga khilaafka hormuudka u ah ay had iyo goor noqdaan xaabada ugu horaysa oo uu liqo holaca khiaafku!.
Haddii aan dib u milicsano taariikhda waxaan arkaynaa in dhamaan is qabqabsigii u dhexeeyay hogaamiyayaasha siyasadda uu ku dhamaaday in ragii is hayay ay isla baxeen iyadoo marna uu hormaryay RW marna MW.
13 sanadood ayaa laga joogaa is qabadkii RW Cali Khaliif iyo MW Cabdiqaasim, welina ma jiro caqli aan leenahay ama mid ay adduunyadu noogu deeqday oo xal u helay khilaafyadan isdaba jooga ah ee carqaladda ku noqday inaan hananno qaranimadeenna.
Waxaa noo sahlan in aan eedeymo soo jeedino, annaga oo u haysanna haddii aan eedda khilaafka cid dusha uga tuurno in aan gudanay xilkii naga saarnaa baadigoobka sidii xal waara loogu heli lahaa maaraynta khilaafka. Mararka qaarna waxaan aragnaa qofkii shalay wax eedeynayay oo fursad u helay in uu qeyb ka noqdo hogaanka siyaasadeed amaba hawlwadeen ka noqdo hay’adaha caalamiga ah ama ku goboleed ee taakuleeya dawladda, isla markaana qeyb ka noqda khilaafka halkii uu xal ka raadin lahaa.
Waxa wax lala yaabo ah in marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray ay wax badan iska badaleen waaqaca dalka, wacyiga dadka, xaaladda gobolka iyo guud ahaan tan caalamka, sidaa si lamid ahna ay si joogta ah isu badalayeen madaxda dalka, iyadoo marna aanu is bedelin khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda, qaabka uu ku bilawdo iyo qaabka uu ku dhamaado midna!.
In badan oo waxgaradkeena kamida waxa ay isku mashquuliyaan wax ka ogaanshaha sababta keentay khilaafka, qaarkood waxa ay farta ku fiiqaan dastuurka, qaar kalana siyaasadda qabyaaladaysan, qaar kalana farogelin shisheeye iyaga oo si gooni ah u tilmaamaya xiriir ka dhexeeya qaybo kamida bulshada soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa goboleed, ama hawlwadeen Soomaaliyeed oo la shaqeeya hay’adahaa oo danahooda siyasdeed ka hormariya kuwa guud.
Waa suurogal in sababtu khilaafku tahay mid ama dhamaan qodobadaa iyo kuwa kaleba, waxaase biyo kama dhibcaan ah in khilaafku ka dhex aloosan yahay Soomaalida dhexdeeda, loogana fadhiyo in ay iyagu xaliyaan khilaafka dhexdooda ah, iyaga oo ku salaynaya is ogolaansho iyo wada noolasho (siyaasadeed), sidaa darteed waxaa mudnaanta leh in la abbaaro hanaankii aan xal ku heli lahayn, ugu yaraan xal ku meel gaar ah inta laga gaarayo xal waara.
Marka aan eegno xaaladda dalkeenu maanta marayo oo ah in ay jirto rajo aad u weyn oo ku aadan in cagta la saaray dhabihii lagu gaari lahaa hanaan dawladeed oo dhamaystiran, in saddexda mas’uul oo ugu sareeya dawladda iyo in badan oo kamida wasiirada iyo xildhibaanadu ay yihiin dad aqoon, waaya aragnimo iyo khibrad dawladeed leh, in qurbajoog badan ay dalka dib ugu soo laabteen iyaga oo doonaya in aqoontooda iyo dhaqaalahooda ay dib ugu dhisaan dalkooda, in dadweynaha Soomaaliyeed ay taageero badan u hayaan dawladda, dulqaad badanna u muujinayaan kufaa kaca hay’adaha dawladda, in beesha caalamka ay diyaar la tahay taakulaynta dawladda…iwm, waxa aanay madaxdeenu marmarsiinyo u helaynin in ay xallin waayaan khilaafka dhexdooda ah.
Waxa aad u soo laalaabtay doodaha oranaya khilaafku waa mid siyaasadeed ee ma aha mid dastuuri ah, xalku waxa uu ku jiraa in la wada joogo, maya e’ xalku waa in la kala tago, xalku waa codka baarlmaanka, maya e’ xalku waa beesha caalamka iyo cidda ay taageerto, haddii aan la wada joogin taageerada dhaqaale ee beesha caalamka ayaa la jarayaa, haddii aan kalsooni iyo wada shaqayn jirin taageerada beesha caalamku maxay taraysaa?.
Marka aan eegno ujeedada labadan mas’uul waxa soo baxaya in MW jecelaan lahaa inuu helo RW ay wada shaqayn karaan oo ay wada gaaraan inta ka dhiman xilkiisa ee 2016, dhanka kalana RW wuxuu jeclaan lahaa in uu xilkiisa sii hayo tan iyo inta laga gaarayo 2016, sidaa darteed labada oday in ay 2016 gaaraan ayeey doonayaan, waxaase lagu kala duwan yahay sidii lagu wadajir loogi gaari lahaa xilligaa.
Dhanka kale marka la eego MW ma jirto wax damaanad ah oo uu haysto haddii ay kala tagaan RW in mas’uulka cusub oo la shaqayn doono uu noqon doono mid ay isla jaan qaadaan iyo in kale. Sidaa si lamid ah RW haddii uu ka badbaado xil ka qaadista lala damacsan yahay maanta ma jirto wax daamanad ah oo uu ka haysto xubnaha baarlamaanka ee maanta taageersan in ay berrito mar kale taageeri doonaan amaba in ra’yiga beesha caalamku aanu is bedeli doonin, waxaana jira warar sheegaya in RW Shirdoon xil ka qaadistiisa ay ku lug lahaayeen qeybo kamida beesha caalamka.
Waxaa intaa dheer in khilaafka oo markii hore ka bilawday MW iyo RW uu hadda halis ba’an ku hayo hay’addii sharci dejinta oo haddii ay iyadu dhaawacanto aanay muuqanin qaab uu ku sii jiri karo hanaanka dawladeed ee curdanka ah.
Dhamaan arrimahan waxa ay keenayaan in madaxdu dib u eegaan khilaafkooda isla markaana ay gartaan in dalka ay madaxda u yihiin aanu ahayn dal caadi ah oo lamida dalalka dunida, hanaanka dawladnimo oo ay maamulayaan aanu ahayn mid dhamaystiran, maganna ay u yihiin beesha caalamka oo weli gardaadinaysa, khilaafkuna uu sababayo inay waayaan kalsoonida bulshada Soomaaliyeed iyo taageeradii beesha caalamka oo ah labada tiir oo ay dawladdu cuskanayso.
Haddaba waxa ay ila tahay in khilaafka xal loo heli karo, cidda laga doonayo inay xalka keenaana ay tahay MW iyo RW, sidaa darteed waxaa lama huraan ah in MW iyo RW ay wada fariistaan iyaga oo keligood ah kadibna qiimeeyaan heerka uu gaaray is maandhaafkii dhexdooda ahaa iyo saamaynta uu ku yeeshay hanaanka dawladnimo, kalsoonida dadweynaha iyo taageeradii beesha caalamka, iyo raadka baahidda khilaafku ku yeelan karo mustaqablka dadka iyo dalka Sooaaliyeed, kadibna ay ka arrinsadaan qaabka ugu haboon oo ay ku xallin lahaayeen is maandhaafka u dhexeeya, waxaanan kaslooni badan ku qabaa in haddii ay si sax ah isula miisaamaan xaaladda uu dalku marayo iyo duruufaha ku xeeran ay gaari karaan heshiis taariikhi ah oo in badan lagu xasuusan doono, taa badalkeeda waa wadadii uu ka digay odaygii Soomaaliyeed “waar maanta fursad ayaan haysanaa ee yaanan fursadda la dayicin”.
Haddii aanan annagu is ogolaan cidina na ogolaan mayso, haddii aanan annagu wada jooginna cidina nala joogi mayso!.
Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com