Afeef: Qoraalkan Ugumaan Talagalin Inaan Beelo Soomaaliyeed Ku Wax Yeeleeyo, Balse Waxaan Ugu Talagalay Inaan Ku Muujiyo In Bulshada Qaar La Qaldi Karo Ee Aan Bulshada Dhamaanteed La Wada Qaldi Karin..
Adoomaha Alle Subxaanahu Watacaalaa Abuuray qaarba si bey wax ku doonaan ama u raadsadaan, waxaa in dhowaanahan ah socotay waxa loogu yeeray (Yaa Daaroodeey Jubbaland Baa Duulaan Hawiye Ku Yahay), taas oo uu salkeedu ahaa ama gabagabadeedu Beentu Waa Raad Gaaban Tahay iyo Doqontaan Garan Halka Laga Jiro, Inta caqligooda iyo maskaxdooda fiyoowdahay waa ay arakayeen Awrkacsiga cusub ee ka socday Dalk gudihiisa iyo dibeddiisaba…
Waxaa soo caan baxay ururka SAHAL oo xaqiiqdi macnahooda iyo fikirkoodaba uu ahaa dano beelo gaar ah leeyihiin, markaana lagula dagaalamayay si meesha looga saaro Xukuumadi R/wasaare Saacid.
Ka Dib Magacaabisitii R/wasaarihi Saacid, Waxaa durbaba caay iyo aflagaado lala istaagay Shaaricyada min Muqdisho ilaa iyo Washington DC iyadoo la leeyahay Xukuumada R/wasaare Saacid waxay dhabar jabinaysaa beesha Daarood, waxaa Boorar iyo Sawiro aflagaado xambaarsan lala istaagay shaaricyada iyo sidoo kale baraha Internet-ka.
Xukuumadi markaa jidhay ee uu Hogaaminayay R/wasaare Saacid dhag jalaq umma aysan siin waxa socday iyo dacaayadihi raqiiska ahaa ee shaaricyada lala taagnaa, balse waxa ay ka raacatay howlaheedi shaqo ee loo idmaday.
Ka dib khilaafki Madaxweynaha iyo R/wasaarihi waxaa kalsoonida si sharci daro ah lagala laabtay xukuumadi markaa jidhay.
Hunguri xumada horaan u sheegay oo waxaan iri (Yaa Daarood Ahay, Ma Waxaa La Maqalaa Marki Wiil Sade Ah R/wasaare Noqdo) saa 1991 ilaa iyo 2012 lama maqli jirin’e, durbababa waxaa biloowday in loo xusul duubo Kursigii R/wasaaraha baneeyay…
Waxaa durbaba ciriiri iyo nasasho la’aan la dhigay Xafiiski Madaxweye Xasan Sheekh iyadoo loo ordayo wax walbana loo ogol yahay mar uun aan dib u noqono R/wasaare, Nasiib daro Madaxweyne Xasan baa dhag jalaq umma siin Raggii kusiga u malafsanayay, waxa uu Madaxweyne Xasan Xilka R/wasaare u magacaabay R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.
Geed dheer iyo geed gaaban ayaa waxaa durbaba loo fuulay sidii R/wasaare Cabdiwali Gacanta loogu dhigi lahaa kadibna loo fashilin lahaa, ninbaa horey u yiri (Colaad Caano Iguma Habi Jirinee Ma Doorshaan Baa Uga Dhacay), anoo taas ulla jeeda R/wasaare Cabdiwali beeshi uu kasoo jeeday ee SADE ayuuba waxa uu u waayay waqti cid kalena warkeeda daa sida loo kool koolinayay amaba loo amaanayay…
R/wasaare Cabdiwali Sheekh waxa uu u xusul duubay inuu garab istaago waqti iyo dhaqaale badana galiyo Qolyihii Durbaanka beenta ahaa tumayay isagoo eegaya mucaaradadi xukuumadi ka horeysay ay kula kaceen, waxaan loogu yeero Jubbaland oo ay beelo gaar ah iska maamushaan.
Abaalkii R/wasaare Cabdiwali Sheekh iyo ficiladiisi wanaagsanaa, Dhaanto la ciyaarki Xildhibaan Xidig ee Kismaayo iyo Qosolki Axmed Cade iyo Cabdi Madoobe, abaal marinti R/wasaare Cabdiwali Sheekh ma waxay noqotay in Hawiyihi la caayay loo soo raaco oo durbaba Xulufeysi lala sameysto Madaxweyne Xasan Sheekh? Cowriye Wiilashu Indha Adagaa? (Waanse dareemi karaa xaqiiqdi oo duulku waanu isnaqaan waana wada dhalanay, nin jilcan aad bay ugu daran yihiin).
Yaabay’e Hawiyaha ma waxay dad xun yihiin markii ay Mareexaanka wada socdaan ama ay is xulufaysanayaan? ileen Hawiye dad xun ma,ahan marka Majeerteen iyo Ogaadeen ay wada socdaane? masa leys oran karaa (Mareexaanka badankiis Maangaaabkaa Ku badan aan fahmi karin halka kubada loo laadayo ama ay siyaasada u socoto)?
Dhinaca kale meeye Maanta kooxdi ururka SAHAL iyo kooxihi kale ee u ololeenayay (Yaa Daaroodeyda Beenta Ahayd)? ee la doonayay dadka u nasab sheegta Daarood Qaarkood (Inta Qalbiga Maran) in lagu awr kacsado, runtiina waa lagu awr kacsaday saa misana maanta Cidlaa looga dhaqaaqay. SAHAL Iyo Raaskambooni Meey difaacaan R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo TV-yada soo istaagaan sidii ay sameen jireen soo ninku Daarood ma,ahan? Alloow Maxaan iri Halaga Joogo.
Durba R/wasaare Cabdiwali Sheekh oo aan baneeyn xafiiska ayaa loo xusul duubayaa Kursigiisi in lagu fadhiiso, arintaas waxaan ka oranayaa Calyada dib haloo laqo R/wasaare Cabdiwali Sheekh haduu baneeyo kursiga, Kursigaas Madaxweyne Xasan Sheekh-na Og Anana Ogin, anaga nagama badna ee Ilma Adeerayaalow waqtiga yuusan idinka dhumin….
Ugu dambeyn Humbaalaynti iyo Cunbuq Cunbuqdi (Yaa Daarood Ahay) si wanaagsan ayaan anaga uga dharagsaneyn intaan ka dharagsaneyna cashar iyo waayo aragnimo intaan maanta ku dhaceysa ayaa ugu filan, su’aashuse waxay tahay ma yihiin dad ku waana qaadanaya waxa ku dhacay? mise sidoodi ayaa maalin walbaa lagu guurayaa sidii Dameer Xamuulka lagu rarto? waqtigaa sheegi doona inay tooseen iyo in sidoodi loo raran doono maalin walba…
FG: Qoraalka Haddaadan Fahmin, Waan Ugu Talogalay, Waxaa Fahmi Kara Oo Kaliya Qof Maskaxdiisu Shaqeynasyo, Garanayana Waxa Ka Maqan Iyo Waxa Uu Haysto…
W/Q: Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Somalia
The statements, views and opinions expressed in this column are solely those of the author and do not necessarily represent those of AGGM.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com