Somaliya waxay mareysaa xilli ay dalka qabsadeen dad aad u xun-xun oo jecel inay dalka iyo dadka danahooda ka weeciyaan, xumaanta ay wadaana loo arko mid ummadda dan u ah. Waqtigi burburka oo qiyaasti ka badan labaatan sano waxaa jira mathal carabiga ah oo dhahaaya sanooyinkaas waa kuwo aad u badan marka loo qiyaaso cimriga dadka, laakin waa kuwa aad u yar marka loo qiyaso cimriga dalka.
Dhibaatooyinki la soo maray waa laga kabsan karaa haddii la helo dad dalka hogaamin kara oo leh niyad fiican, balse haddii la adeegsado ama iyagu is-adeejiyaan kuwa xumaanta wada ma muuqato meel dalkaan ku badbaadi karo. WAANA BILAWGII DHAMMAADKA!!! (The beginning of the end).
Maalmahan waxaa loo dabbaal degayaa caleema-saarka Shariif Xasan Sh. Aaden oo noqday Guddoomiye ama Madaxweynaha seddaxda gobol ee Koofur-galbeed.Shariif Xasan waa nin markasta ku howlan siduu wax u kharribi lahaa, tallaabo kasta uu qaadana ay natiijadeedu noqto mid aan dadka badankiisu u riyaaqin. Sababta maxay tahay? Shariif Xasan wuxuu la mid yahay nin la dhihi jiray Al Capone oo aasasay ururkii maafiyada oo loo yaqaanay “Cosa Nostra” oo gilgishay Amerika 1920-dii..isagoo weliba haddana meelo badan ka shaabaha kaligi taliye xagga hab-dhaqankiisa iyo xiriirka uu la leeyahay bulshada.
Sababta aan sidaas u leeyahay waxay tahay Shariif Xasan wuxuu dadka kor ku xusan la wadaagaa aqoon-yari, maskax ku mashquulsan sidi wax loo kharbudi lahaa isla markaana loo kihayaani lahaa qof kasta oo heshiis la gasha, wuxuu doono ha haadee!!!
U maleyn maayo in la heli doono qof heshiis ay la gashay Shariif Xasan mahadisay..Tusaale yar haddaan soo qaadanno waxaa jirta Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmad oo ahaa ninkii dhiiqada ka soo saaray markuu ku fashilmay barlamaankii doortay Cabdullaahi Yuusuf. Kaddib wuxuu helay fursad dahabi ah si uu isu muujiyo kana soo dhalaalo jabhaddi Sheikh Shariif ee Asmara fadhigeedu ahaa.
Xilligi dowladdi Sh.Shariif ayuu la soo baxay midabkiisi runta ahaa kaddib markuu ninki isaga bannaanka u soo bixiyay uu ka soo horjeestay, muxaawalooyinkii Sheikh Shariif oo dhanna ka dhigay hal bacad lagu lisay. Nasiib darrada ugu weyn waxay ahayd barlamaan ka kooban 500 ruux uu albaabka ka xirtay, furihi golahana uu gurigiisa geystay si shirarka uu ugu qabsado isaga iyo inta yare ee raacsaneyd berigaas.
Heshiski Kampala oo ahaa tallaabadi ugu horreysay uu ku guuleystay Shariif Xasan waxaa Somalida, inta dareenka leh, iyo adduunka intiisa kaleba u caddaatay in dalkaanu uusan xor ahayn hogaankana ay u hayaan in yar uu Shariif Xasan zaciim u yahyay, diyaarna u ah inay dalka oo dhan wareejiyaan haddii danahooda ay helayaan. Sababti uu Sh. Shariif ku waayay doorashadi waxaa ugu weynaa xiriirki uu la lahaa Shariif Xasan oo loo arkaayay musiibada ugu weyn ee meesha ka jirta.. Isagana wixi uu raadihaayay oo dhan waa ku fashilay wuxuuna ku soo dhacay meel cidla ah.
Intaas kaddib wuxuu billaabay inuu ku biiray qaswadayaashi fadhigoodu ahaa Nairobi oo kala ahaa Gedi, Galleyr, Faroole, Ina Cabdirashiid, Baadiyow iyo qaar kaloo badan. Danta uu ka lahaa waxay ahayd inuu ka dhigto jaranjaro uu uga tallaabi karo derbiga dheer ee Villa Somaliya si uu fikradiisa uga iibiyo madaxda meesha joogta, taasoo u muuqata inuu guuleystay ilaa xad.
Waxaan u arkaa in dadka maanta madaxweynayaasha ka ah dalka ay yihiin badankoodu kuwi ugu xumaa..haddii aan qaar ka xusno waxaad soo muuqanaya in siyaasiyiinta ka muuqda saaxadda gobollada Bay iyo Bakool ay yihyiin kuwo aan wax badan dhaamin Shariif Xasan oo iyaga dhexdooda isneceb, wax ay wadaagi karaana aysan jirin, iygaoo Ilaahey ku manneystay dhul baaxad weyn oo wada barwaaqo ah… Waxaa loo baahnaa inay ku daydaan Puntland oo markey dhexdooda yihhin dagaashan, laakin xiriirka dibadaha u mideysan oo hal fikrad wada qaba sax ama qalad waxay doonto ha ahaato. Midkooda xunna wada daafaca!!!
Waxaad muuqata inay nagu bateen inta xun-xun markaasaa la moodaa inay xumaantoodu tahay mid wada ekeysay dadka iyo dalka dadkuna ay la dhacsan yihiin.. bal aan xasuusanno aayadi Qur’aanka ahayd (قل لا يستوى الخبيث والطيب ولو أعجبك كثرة الخبيث) Waxaad moodaa dadka manta siyasadda horboodaya ay yihiin kuwa kor xusan oo tiro ahaan ka badan inta yar ee toosan oo daacad u ah dalka kuna hogaamisa ummadda tubta horumar lagu gaari karo haddii la siiyo fursad ay howlaha u yaalla ku gutaan.
Shariif Xasan shakhsi ahaan wax xumaana uma qabo, dowlad goboleedka uu watana taxafud ayaan ka qabaa, waxaanse ka soo horjeeday kuwa sheegtay lixda gobol oo dantoodu ahayd inay wax ku carqaladeeyaan.laakin su’aasha waxay tahay howl Shariif Xasan hogaanka u haayo xagey gaari doontaa? Maadaama uu yahay nin ku dheereeya xagga makriga iyo lug-gooyada..waxaana sifadaas la wadaaga inta badan madaxweynayaasha gobollada hadda shaqeeya ama dhisan qaarkood..
W/Q:Axmad Calasow
bashaar10@outlook.com
The statements, views and opinions expressed in this column are solely those of the author and do not necessarily represent those of AGGM.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com