Ciidamada Maamulka Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Howlgallo Ciidamada Maamulka ay Magaalada ka Sameeyeen lagu soo qab ilaa 10 Ruux oo ka shaqeenayay Falal Amaan daro.
Maxamed C/kariin Maxame oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in 10-ka Ruux ee la soo qabtay lala Xariirinayo in ay qeyb ka yihiin Dadka Falalka Amaan daro ka wada Magaalada Laascaanood.
Maxamed C/kariin ayaa sheegay in Dadkaan la hayo Maxkamad la soo taagi doono oo hada ay ku jiraan Xabsiga Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka