Soomaaliya waxay ku taal Geeska Afrika iyadoo leh xeebta ugu dheer Afrika (3333km) waana marin muhiim u ah maraakiibta caalamka ee ku socdaasha Suwees Kanaal, waxaana ku nool ummad isku af, diin iyo dhaqan ah. Dadka Soomaaliyeed ee Geeska Afrika waxay u kala qaybsan yihiin waddamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya, iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somaliland waxay sheegtay inay ka go’day Jamhuuriyaddaas, May 1991-kii).
Waxaan maqaalkan ku falaqayn doonaa arrimahan hoose si kooban oo ujeeddadu tahay ka jawaabidda su’aasha sare iyo u furid dood akhristayaasha iyo ummadda Soomaaliyeed:
Xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya maanta;
Waddamada Deriska ah iyo saamayntooda taagan;
Nidaamyada 4.5 iyo Federaalka iyo kala taageeridooda beelaha Soomaaliyeed;
Qaab-dhaqanka hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed (sida: Madaxda Dawladda, Ganacsatada, madaxda diinta; madaxda dhaqanka, iwm.)
Gabagabo iyo Ra’yi soo jeedin.
Kaddib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii, waxaa soo xumaanaya rajada dawladnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Iyadoo dawladihii KMG ahaa ay waddanka gaarsiin waayeen nidaam dawladeed oo midaysan muddo toban iyo labo sano ah (2000-2012) ayaa haddana waxaa kaliya laga badalay magacii KMG ahaa loona bixiyay Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS), in kasta oo dhammaan arrimihii KMG-nimada ay weli taagan yihiin. Balse waxa kaliya ee isbedelay ay tahay saxiixa iyo heshiisyada laga dhammaysto Soomaaliya oo loo aqoonsaday inay dawlad rasmi ahi sharci ahaan gashay, taasoo ummadda Soomaaliyeed dhabar-jab ku ah.
Haddaba, Ummadda Soomaaliyeed oo leh taariikh aad u fac wayn marka loo eego waddamada kale ee Afrika ee dhinacyada xadaaradihii hore, waqtigii Islaamku soo gaaray (oo ahayd ka hor Madinatu Munawara), waqtigii la dagaalanka guumaystayaashii reer Yurub, waqtigii xoriyadda ee sannadihii 1960-naadkii (Dimoqraadiyaddii ugu horaysay ee Afrika laba madaxwayne xilka kula kala wareegaan), sannadihii 1970-naadkii (awooddii milateri, dhaqaale isku-filaansho iyo luuqad hooyo ee maamul Afrikaan ahi ku shaqeeyo midkii ugu horreeyay, marka laga reebo Amhara), waxay maanta ku sugan tahay khatar aan taariikhdeeda hore u soo marin.
Waddanku wuxuu u kala qaybsan yahay maamullo aan wax wada-shaqayn dhab ahi ka dhaxaynin sida: Soomaaliland (oo dawlad madax-bannaan ku dhawaaqday), Puntland, Koonfur-Galbeed, Jubaland, Gobollada Dhexe, Hiiraan iyo Sh.Dhexe (oo goor dhow lagu dhawaaqayo), iyo DFS oo Muqdishu aan maamul ahaan dhaafsiisnayn. Dhammaan maamulladaasi waxay madaxdoodu si joogta ah warbixin iyo wada-shaqayn toos ah kala dhexeeyaan waddamada Itoobiya iyo Kenya, iyadoo Jabuuti ay ku dadaasho inay ayaduna doorkeeda awoodeed had iyo jeer muujiso.
Waxaa muuqata in safaro aan kala joogsi lahayn madaxdu si toos ah ugu aadaan Nairobi iyo Addis Ababa, iyadoo Muqdishu (oo magac ahaan kaliya caasimad u wadata) aysan madaxda Soomaaliyeed ku kala warqaadan sidii waddanka iyo ummaddaba loogu hogaamin lahaa nabad iyo midnimo.
Madaxda DFS, oo uu ugu horreeyo Madaxwayne Xasan Sheekh, waxay si la mid ah maamul-goboleedyada uga talo-qaataan caasimadaha Addis Ababa iyo Nairobi. Arrintan oo ayaan-darro ku ah DFS hammigii laga qabay inay midayso maamullada gobollada una tusto inay diyaar u tahay wada-shaqayn, iyo wada-qaybsi khayraadka dalka. Waxaa muuqata yaanan lagaaga dheerayn Addis Ababa iyo Nairobi.
Dhinaca kale, waddamada deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya waxay ku dadaalayaan sidii aysan madaxdaas Soomaaliyeed u yeelan lahayn wax wada-shaqayn ah, isla markaana ay u fulin lahaayeen ajendayaashooda muuqda iyo kuwa aan muuqan ee ay ka leeyihiin Soomaaliya. Waxaa waddamadan ka jooga Soomaaliya Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM, iyagoo ay tiradoodu soo kordhayso maalin kasta, halka kuwa Afrikada kale ay tiradoodu sii yaraanayso.
Dawladihii hore ee KMG ahaa waxay had iyo jeer oran jireen kama mid noqon karaan waddamada deriska ah hawlaha ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM balse waxaa ayaan-darro ah in albaabkan ay si sharci ah u furtay dawladda Jabuuti oo keentay ciidamadii ugu horreeyay ee dalalka deriska ah ka socda ee ka mid noqda ciidamada AMISOM, iyadoo la garan karay waxa daba socda iyo saamayntooda, in kasta oo ciidamada Itoobiya ay ka buuxeen dalka Soomaaliya ka hor AMISOM inta aysan ka mid noqon.
Hase yeeshee, marna suurto-gal uma ahayn inay si muuqata ama sharci ah uga hadlaan ciidamadooda ka joogay Soomaaliya, haddase waxay madaxda Dawladda Itoobiya si muuqata ugu dhawaaqayaan inay isku fidinayaan Soomaaliya, iyagoo sheegay inay gaarayaan ilaa Kismaayo iyo Baraawe oo ah cirifyada xeebaha Soomaaliya.
Dhinaca Kenya, waxaa taagan arrinta muranka badda ee qayb ka mid ah koonfurta Soomaaliya, iyadoo markii hore ku bilaabatay si qarsoodi ah, oo heshiiskii ugu horeeyay ee ay DKMGS saxiixday ka qaylisiisay Soomaali meel ay joogtaba, haddana waxay soo socotaba maanta arrintii waxay taallaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Heeg, Holland (International Court of Justice, The Hague).
Waxaan haddaba lala yaabi karin in is-fidintan tartiibta u socota ay maalmo kaddib isku badali karto ku darsasho (annexation) ama in qaybo ka mid ah maamul-goboleedyadu ay ku dhawaaqaan inay Federaal la samaysteen dal ka mid ah kuwa deriska. Sida lala wada socdana waxaa loo diyaariyay nidaam-ismaamul labada dal ee Itoobiya (oo horeba Federaal u ahayd) iyo Kenya (oo hadda maamul-goboleedyo samaysatay) oo markiiba u sahli kara maamul-goboleedyada Soomaaliyeed inay ka soo mid noqdaan.
Waxaa laga yaabaa in akhristayaal badan ay la yaaban taxliilintaydaan. Hase yeeshee, aniga qudhayda ayaa isla yaabay hadda ka hor markii aan 1999-kii buug aan qoray (magaciisa: Taariikhda Soomaaliya ee Geeska Africa, A.H. Mohamed. Holland) ku taxliiliyay, kaddib macluumaad badan, in Itoobiya laga yaabo inay mustaqbalka ciidamadeedu ku yimaadaan Soomaaliya iyagoo ka tirsan ciidamada Qaramada Midoobay. Waqtigaas aan sidaas qorayay marna macquul ma ahayn in dadka Soomaaliyeed ay ka daadagto inay ciidamada Itoobiya soo galaan Soomaaliya, iyadoo dagaallo qaraarna ay waqtiyadaas kala dhexeeyeen Urur-diimeedyadii Al-Itihaad, horena loo ogaa taariikhda labada dal.
Maxaa sahli kara ku darsashadan?
Marka laga soo tago hammiga labadan dal, haddana arrimaha sahlaya barnaamijkan waa qaab-dhaqanka dadka Soomaaliyeed ay maanta ku socdaan. Tusaale ahaan, dadka beer-falatada ah waxay yaqaanaan haddii aysan caradu lahayn nafaqooyinka qaarkood inaysan dalagyada la beerto qaarkood ka bixi karin, haddiise carada lagu daro nafaqooyinkaas ka maqan way sahlan tahay in dalagyadiina ay ka baxaan. Taasi waxay muujinaysaa in haddii X la helo ay Y suurto-gal tahay, haddiise X la waayo aysan Y suurto-gal ahayn.
Dadka Soomaaliyeed intooda talada maanta gacanta ku haysa waxay doorteen nidaamyada 4.5 (oo si sharciyan ah looga dhawaaqay Arta, Jabuuti, dawladdana lagu soo qaybsaday) iyo Federaal (oo si sharciyan ah looga dhawaaqay Embegaati, Kenya, dastuurkana lagu qoray).
Labadan nidaam ee awood-qaybsi waxay si toos ah u kala matalayaan saldhigga awoodeed ee beelaha Soomaaliyeed. Beelaha qaar ayaa nidaamka 4.5 uu siinayaa awood iyo miisaan hore uga maqnaa sida ay qabaan, halka beelaha qaarna uu siinayo awood ka hoosaysa tii ay hore u haysan jireen ka hor 1991kii.
Sidoo kale nidaamka Federaalka ayay beelaha qaar u arkaan inuu u soo celinayo awoodo ay hore ugu lahaan jireen xukunka dalka Soomaaliya, halka kuwa kalena ay u arkaan inuu ku sii haynayo caburintii iyo awood-yaridii ay ka dagaalameen ka hor 1991-kii. Iska soo horjeedkaasi waa mid had iyo jeer ka muuqda loolanka siyaasadeed ee DFS iyo Maamul-goboleedyada, iyo weliba DFS dhexdeeda.
Waana arrinta keenaysa in had iyo jeer ay shaqayn waayaan xukuumaduhu muddo ka badan hal sano. Waxaa haddaba su’aal ah: Macquul ma tahay in dad sidaas kala aaminsan ay dhisaan midnimo dawlad Soomaaliyeed?
Qaab-dhaqanka hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed waa mid sahlaya khatarta kor ku xusan. Madaxda DFS ayaa ah kuwa had iyo jeer dano gaar ah ka horumariya danta guud ee ummadda ay hoggaanka u hayaan, iyagoo ku caan baxay is-haysi, musuqmaasuq aad u baahay iyo kala difaacid nidaamyada 4.5 iyo Federaal. Dhinaca hoggaamiyeyaasha diimeed ayaa iyaguna noqday “la mood noqonse waaye”, kaddib markii ay u kala qaybsameen firqooyin bulshadiina kala qaybiyeen.
Hoggaamiyeyaashii hore ee diinta ee waqtiyadii guumaysiga iyo ka horba waxaa lagu xasuustaa inay ummadda u dhawreen diintooda, iyagoo ku toosiyay inay Sunni-Shaafici wada ahaadaan, kaddibna guumaysigii ka hor istaagay inuu dalka qabsado iyo in ummadda Soomaaliyeed diinteeda laga dooriyo. Doorkaas shariifka ah ee hoggaamiyeyaashii hore ee diinta waa mid lama ilaawaan ah, balse doorkaas maanta ma muuqdaan hoggaamiyeyaal buuxiya.
Taas mid la mid ah ayay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ku sugan yihiin, iyagoo lagu yiri waxaad tihiin saldhigga dawladnimo ee nidaamyada 4.5 iyo Federaalka, idinka ayaana keenaya saldhigga dawladda oo ah xildhibaannada Baarlamaanka. Sidaas darteed, waxay ku mashquuleen shaqadaas loo abuuray, iyagoo mooggan doorkii shariifka ahaa ee awoowayaashood ka soo qaateen samata-bixinta ummadda Soomaaliyeed waqtigii guumaystayaashii reer Yurub.
Intaas waxaa dheer, hoggaamiyeyaasha ku cusub taariikhda Soomaaliya ee loo yaqaan “Ganacsato”. Kooxdani waxaa la dhihi karaa waxay ugu badisaa nidaamka dawlad la’aanta iyo fowdada, iyagoo macaashka ugu badan ku sameeyay jawigaas dawlad la’aanta ah. Waxay fursad u haystaan inay dhisaan, taageeraan, qalabeeyaan nidaamka dawladnimo, si ay u noqdaan hoggaamiyeyaashii ganacsato ee ugu horreeyay ee badbaadiyay nidaamka dawladnimo ee Soomaaliyeed. Hase yeeshee, iyaga oo malaayiin doolar ku dul macaasha ummadda masaakiinta ah ayaa maalin kasta macaluul iyo gaajo bulshadu ugu dhintaan agagaarkooda.
Haddaba, haddii hoggaamiyeyaasha Soomaalida maanta dhaqankoodu sidaas yahay, miyaysan suurto-gal ahayn inay fududaato ku darsashada aan kor ku soo sheegnay?
Guntii iyo gabagabadii, su’aasha cinwaanka ku xusani waa suurto-gal, waxaase looga hortagi karaa arrimahan soo socda:
In Soomaalidu ku baraarugto khatarta ku soo socota, iyadoo weliba la og-yahay in Soomaali badan ee Jamhuuriyaddu ay haddaba qaateen baasaboorada Itoobiya iyo Kenya, oo aysan dhib u arkin inay arrintani hirgasho;
In laga shaqeeyo sidii loo baab’in lahaa nidaamyada 4.5 iyo Federaal, laguna badasho kuwa qancinaya walaacyada ay kala qabaan beelaha iyo qaybaha kala difaacaya nidaamyadaas. Tusaale ahaan, waxaa la qaadan karaa nidaam gobol ku salaysan, iyadoo la abuuri karo kuwa cusub lana badali karo gobollo jiray, kaddib marka la sameeyo tiro-koob guud ee dalka oo idil ah, laguna saleeyo xuduudaha cusub iyo gobolladaba tiradaas;
Si qodobkan 2aad u hirgalana, waa in la dardar galiyaa qaabaynta iyo dhammaystirka Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee hadda horyaalla Baarlamaanka, lana gaarsiiyaa dalka in tiro-koob ka dhaco, dadkuna doortaan madaxdooda si xor ah;
Waa in si degdeg ah loo qalabeeyaa, la iskuna dhafaa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, iyadoo si waddaninimo ku jirto loo wajahayo arrimaha ciidamada. Si arrintani degdeg ugu hirgashana waa in ganacsatada Soomaaliyeed iyo quba-joogtu ay ugu deeqaan dhammaan agabyada ay ku hawl-gali karaan Ciidamadu, iyagoo la hubo in ganacsatadu awoodaan arrintan, halkii laga sugi lahaa shisheeye fulinta arrintan, taasoo la hubo inaysan hirgalayn;
Culimada hoggaanka diintu waa inay ka daayaan ummadda kala qaybinta iyo magacyo la kala bixidda, iyo is-gaalaysiinta, iyadoo Allaah noo dooray magaca ugu qiimaha badan ee Muslimiin, Mu’miniin. Wixii intaas ka soo harana ay sii keenayso kala qaybin joogto ah. Culimadu waa inay soo ceshtaan doorkii shariifka ahaa ee lagu yiqiinay;
Dhinaca hoggaanka dhaqanku waa inay siyaasadda dawladnimo faraha kala baxaan, kuna qancaan doorkooda dhaqan. Tani waxay dalka ka badbaadinaysaa in dad aan tayo iyo wadaniyad lahayn maalin kasta hoggaanka qabtaan, saldhigga dawladnimo ee baarlamaankuna sidaas ku yimaado;
Dawladaha Itoobiya iyo Kenya waa inaan wada samaysanaa Xiriir Ganacsi iyo wax-wada qabsi la mid ah midka East African Community (EAC), iyadoo loo marayo shucuubta Soomaalida ah ee ku nool dalalkaas, maadama ay yihiin awood muuqata. Sida ku cad World Facts Book (2013), Soomaalida Itoobiya waa qawmiyadda Saddexaad halka Tigreega dalka ka taliyana ay yihiin qawmiyadda Afraad (Oromo 34.4%; Amhara 27%; Somali 6.2%; Tigray 6%). Waxaana la hubaa in tirada Soomaalidu sii kordhayso muddo gaaban;
Ugu dambayntii, khatarta cinwaanka ku xusan waa: “shar u toog hay, khayr wax kaama taree”.
Abdiweli Hassan Mohamed: qoraaga buugga Maxaa Hortaagan Dawladnimada Soomaaliya? Geeska Afrika & Danaha Is-diidan. (ISBN 9966-05-189-9 / 978 9966-05-189-9).