Daawo+Dhageyso: Marxuumad Xaawo Axmed Ayaanle (Xaawo Wiilo) Waxaa Loo Dilay Sidee Baa U Tahay Gabar Reer Sade Ah Oo Damiir Leh Iyo Fariin Ku Socota Gabdhaha Sade..

0

Maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa mudo hadda laga joogo 20 maalmood waxa ay ka afduubeen gurigeeda oo ku yiil magaalada Kismaayo Marxuumad Xaawo Axmed Ayaanle (Xaawo Wiilo).

Dhamaan Ehelada Marxuumad Xaawo iyo dadka Beesha Sade oo ay ka dhalatay ayaa waxa ay 20-kaas maalmood ka baadi goobayeen dhamaan xeryaha iyo xaafadaha magaalada Kismaayo, waana la waayay nolol iyo geeriba.

Galabnimadi maalinta khamiista ee taariikhdu ahayd 25-12-14 ayaa waxaa ay soo sheegeen ciyaal kubad badda ku ciyaarayay in ay arkeen meeydka Haweenay Badda ay soo caariday, Ehelada Xaawo iyo dad kasoo jeeda beesha Sade oo ay ka dhalatay ayaa waxa ay ku yaaceen dhanka xeebta magaalada Kismaayo, nasiib daro ma aysan suurogalin inay arkaan ama helaan meeydka haweeneyda ay caruurta soo sheegeen.

Sidaa awgeed dhamaan dadki gaaray halkaasi waxa ay isku raaceen in goobtaas lagu sugnaado ilaa waaga uu ka baryayo, waxaana dhacday in Badda ay soo caariday meeydka Marxuumad Xaawo maanta oo ahayd Jimce taariikhduna ahayd 26-12-14.

Marxuum Axmed Ayaanle Cali Maad oo ahaa Marxuumad Xaawo Wiilo aabaheed ayaa markii la soo sheegay in meeydka gabadhiisa lagu arkay badda waxaa kusoo booday xanuun deg deg ah ka dib markii dhiiga ku karay, taa oo sababtay in uu isagoo aan arag meeydka gabadhiisa uu geeriyoodo.

Ehelada iyo dhamaan beesha Sade ayaa waxa ay rumeysnaayeen in Marxuumad Xaawo Axmed Ayaanle (Xaawo Wiilo) aysan nooleen marba haddii ay gacanta ku dhigeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Allaha U Naxariistee Marxuumad Xaawo Wiilo ayaa waxa ay ahayd Aftahanad geesiyad ah oo aan marnaba la gaban fikirkeeda iyo waxa ay doonayso, Marxuumad Xaawo ayaa waxaa ay beesha Sade ulla mid ahayd (Xaawo Taako) maadaama ay nafteeda iyo maalkeeda u hurtay Difaaca Danaha iyo Sharafta Dadkeeda.

Marxuumad Xaawo Wiilo ayaa marka la afduubayay waxa ay laheed Uur, Halkaan hoose Ka Dhageyso iyada oo faah faahinaysa Haweeney ka mid ah eheladeeda oo ka gaabsatay magaceeda sababo la xiriira amaankeeda awgood.


Dhiiranaanta iyo Gobanimada ay nafteeda u hurtay Allaha U Naxariitee Marxuumad Xaawo Wiilo ayaa waxa ay Tusaale iyo Fariin u tahay dhamaan haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa beesha Sade dal iyo dibedba.

Halkaan Hoose Ka Daawo Marxuumad Xaawo Wiilo, (Waa Gabdha Tuutaha Cagaaran Xiran Iyo Goonada Jaalaha, Haysatana Qoriga (AK 47).

Allaha u Naxariistee Marxuumad Xaawo Wiilo ayaa waxaa si bareer ah u dilay Maleeshiyaad ka amar qaata horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, waxa loo dilayna waa hal mid ah oo qura, (Sidee Baa U Tahay Gabar Reer Sade Ah Oo Damiir Leh,Rag sheegta reer Sade Ayaa Nala Socda Oo Ka Hadli Karin Amaba Ka Dagaalami Karin waxaa Dadkooda Aan u Geesanayno).

Ugu dambeyntii Geeridu Waa Xaq, Qof Walbaana Waa Dhadhaminayaa Nolol Gumeed iyo Geeri Gobeed kala qurxoon, Geerida Marxuumad Xaawo Wiilo annoo ogsoon inay tahay mid xanuun badan baa haddana waxaan oran karaa waxay diiday Nolol Gumeed, Geerideeduna Waa Geeri Gobeed, Nolosha Gumeedna waxaa macaansanayo haddii ay wax tareeyso amaba qurux iyo qiimo leedahay waa Gen. Cabdullaahi Sheekh Fartaag iyo Ragga la midka ah ee damiirkaba ka tagay.

FG. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Allaha U Naxariisto Marxuum Axmed Ayaanle iyo Marxuumad Xaawo Axmed Ayaanle (Xaawo Wiilo).