Magaalada kismaayo waxaa ka socda barakicin baahsan, xasuuq iyo kufsi ay ka wado fallagada raskiambooni oo an aqoonsanayn wax la yiraado dowlo somaliyeed. Fallaagadaasi waxay si buuxda uga talo qaadataa dowladaha deriska ah waxayna si cad ugu daaqaan xubnaheedu in ay u suurto gashay in ay gobol ku yeeshaan dalka somalia.
Xubnaha fallagadan 70% waxay ka soo haajireen kiilka shanaad iyo NFD. Fallaagadaasi oo si dhaw xag siyaaso iyo xag ciidamba ay u hagaan ciidamada kenya iyo sirdoonka ethiopiya waxay ku hammiyeysa in dhammaan dadka degaanka ay ugu timid ay jirrabto in ay gobollo kale u cararaan.
Barakicintaasi ma aha wax fallagada Axmed Maoobe haba yaraatee ay qarsanayso ama xeerinaysa dhaqan somaliyeed. Qaabka barakicinta Axmed Madoobe waa mid qaawan:hanti dhac cad, kufsi, cabsi galin iyo dilal bareer ah oo loo geysto cidii inta kore lagu kicin kari waayo.
Dalalka deriska ee fallagadaa dibadda uga taliyaa, say aqoonsi iyo taageerada UN-ka ayada ugu ridiyaan, ayaguna joogitaanka ciidamadooda iyo ku ilaalinta fallagada goobaha ay qabsatay ee xasuuqa ay wado cududaar benaad ugu helaan, waxay abaabuleen oo galiyeen dowladda somaliyeed heshiisyo- ku- sheegyo garwadeen ka ahaayeen oo an loogu talo galin in hal qodob oo ka baxsan danaha raskiaambooni u ka fulo: deked iyo gego, maamul loo dhan yahay, nabadayn, ciidan la qarameeyo I.w.m.
Natiijada kaliya ee dhaleen heshiisyadaasi waa burcad beeleed sharciyeysan!!!!!
Ha u sheegto somali cidii wax kale ka soo xasilisay.
Maamul ku sheega kismaayo waa mid ku darsaday intii xumaato lagu yaqaanney argagixisada Al-shabaab(cabsi galin ,gawrac, dad la waayo i.w.m, ) barakicin ku salaysan beegsi beeleed
Waxa ka socdaa kismaayo waxay muujinayaan in dowladda somaliya ee Xasan Sheekh madaxda ka yahay ay tahay mid ayadu daba taal u ah qabqable dagaal Axmed Madoobe una fulisa wixii u doono ayadoo an haba yaraatee wax saamayn ah ku lahayn.waxaaba la tuhmayaa in ay heshiis kula gashay Axmed Madoobe iyo dowladaha u u adeego dulmiga beelaha qaarkood iyo fulinta danaha cadawga somaliyeed.
Looma qaadan karo in waxa ka dhacayaa kismaayo ay ka daahsoon yihiin dowladda somaliyeed. Loma qaadan karo in qofka ka raalli noqday(madaxweynaha) oo waliba sii dhiirrigalinayaa Axmed Madoobe oo horboodaya xasuuq kismaayo in u yahay mid dadka somaliyeed u siman yahay ama nabadaynti iyo dhexdhexaadin ku hawllaan.
Xasan wuxuu ku abaalmariyey u dallacsiin Axmed Madoobe(si an dastuurku oggolayn) in loogu yeero madaxwene jubbooyinki ayadoo wali maalmahaa dadka kismaayo ku mashquulsanaa goobitaanka meydadkii rag iyo haweyney uur lahayd ooy la bexeen deedna dileen ciidamada Axmed Madoobe.
Somaliyi cidna ugama qadanayso hal beeg dowlonimo waxaan cadaalo ahayn. Dilaa waa dilaa haddu isku magacaabo raskiambooni iyo hadduu isku magacaabo Al-shabaab halbeegu waa noqdo oo waliba ku ekaado daryeelka iyo sinnaan ku maamulka shacbiga iyo la dirirka cadaw dhabtaa ee argagigisada.
Maamul asagu argagixiso iyo qaranimo diid ahi(sida kan Axmed Madoobe) ma mudna u mashxarad, soo dhaween iyo tageero midna wax kasta Xasan iyo Afey maryo been ah huwiyaan.Yaan been laga sheegin xaqiiqada dalka. Yaan colaado hurin iyo neceeb beeleed laga qayb qaadan.
Miqyaas dowlonimo ma noqon karo wax ka duwan isu soo jiid dadka iyo nabadayn oo an hadda ahayn waxa ka socda kismaayo.
Madaxtinimadu ma aha shaqo u qaybinta fashiliinta(wasiiro magacaabidda) dunida ka soo yaacda ee waa u dumida shacbiga danihiisa iyo ku dadaalka u meel marintooda si wanaagsan oo siman.