Waa riyo-maalmeed in maamul ka hirgelo Gobalada-dhexe ayadoon wax walba hishiis laga hor-marin! By. Daahir. F. Afdheere

0

Waxaa beryahaan dambe aad loo hadal hayaa sameynta maamul la sheegey in laga hirgelinayo gobalada dhexe, kaasoo aaney marnaba beelaha ku dhaqan isku wada waafaqsaneyn qaabka loo wajahayo.

Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan loo aqoonsadey shaqsi aad ugu caan baxey qabyaalad, caddaalad-xumo, kali-talisnimo, ayaa isagu ah shaqsiga dabada ka riixeya, in qeyb kasta oo kamid ah awoodda maamulka gobalada dhexe looga dambeeyo beel gaar ah, kaasoo la sheegey in xaruntiisa Villa-Somalia uu shaqsiyaad gaar ah hishiis ugu sixiixey, taasoo ah riyo-maalmeed dhalanteed ah, oo horseedi karta in dib loogu laabto burbur hor leh.

Waa wax aad loogu baahan yahay in Gobalada dhexe maamul loo sameeyo waana wax dan u wada ah dhammaan bulshada ku dhaqan, waa haddii uu maamulkaasi yahay mid caddaalad ku saleysan oo raali laga wada yahay, balse waxaa ka horeysa in la helo dib u hishiisiin dhab ah oo dhex marta beelaha Soomaaliyeed ee ku-wada dhaqan deegaanadaas.

Waxaa ay dad badan ogsoon yihiin oo ka dheregsan yihiin in uu muran badan ka ka jira magaalooyin dhawr ah, sida Dhuusa-mareeb, Gelinsoor, Dhabad iyo weliba deegaanno kale, kuwaasoo ay beel gaar ah u qaadatey in dadkii lahaa deeganadaas baaba,een, sidaa awgeed ay iyagu dhaxal u yeesheen, taas ayaana ah sababta kaliftey in aan lala tashan beeshii lahayd deeganadaas.

Marnaba suurtagal ma aha in uu muumul sax ah hirgalo, ayadoo aaney jirin wax la isla og yahay oo ay hishiis ku-wada yihiin dhammaan beelaha ku wada dhaqan deegaanka laga hirgelinayo maamulkaas, sidaa awgeed ayaa waxaan kula talinayaa shaqsiyaadka u xusul-duubayo in ay maamul ka hirgeliyaan gobalada dhexe waa in ay iska daayaan riyo-maameedka ay ku jirtaane, mar hore haka shaqeeyaan in wax walba hishiis laga hormariyo.

Ujeedada qormadeydaan gaaban ma’aha oo kaliya in aan qabiilkeyga u doodayo xuquuq ay lahayd oo laga duudsiyey, ee waa in maamul kasta oo laga hirgalaya Soomaaliya uu yahay mid ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dadka ku dhaqan deegaanada maamulka laga hirgelinayo.

Waxaa sidoo kale xusid mudan oo aan qormadaan ku sheegayaa, in uu jiro maamul isagu magac u yaal ah ee loogu magac darey Jubbaland, kaasoo aan marnaba ahayn mid ku yimid rabitaan shacab iyo dibu hishiisiin dhab ah, taas ayaana sabatey in uu fashilmey oo xataa u sugi waayo ammaanka magaalada Kismaayo oo qura.

Ugu dambeyn waxaan qormadaan gaaban kusoo af-meerayaa haddii qaar kamid ah bulsha-weynta ku dhaqan gobalada dhexe ay doonayaan in ay helaan maamul usoo celiya adeegyadii loo baahnaa, hala iska daayo laab-lakaca ku dhisan caddaalad-xumada iyo neceybka gaarka ah ee si dhab ah haloola tashada dadku ku abtirsado dhammaan deeganada Gobalada dhexe, isla markaana wax walba halaga hormariyo dibu-hishiisiin dhab ah oo horseeda is af-garad lagu yagleeli karo maamul dhidibbo-adag.

 

Daahir. F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo.com

Birmingham, United Kingdom