Ma Lagu Sheegi Karaa Waxa Jira Dowlad Soomaaliyeed? W/Q.Axmed Sheekh Xasan

0

Sida wada la ogsoon yahay somaliyi waxay soo gashay dagaal beeleedyo heerar kala duwan soo maray, Wixii ka dambeeyey 2000 dagaalladasi xagga dareenka shacbiga waa sii nuxuusayeen lakiin waxaa diidanaa damistooda oo sii afuufayey wadaado ku sheegyo iyo qabqableyaal dagaal oo dibadda laga taageerayey. Mudadaa oo dhan waxaa is-badbadelayey xeeladaha loo marayey naf-ku-celinta dagaallada lakiin nuxurkoodu marna isma beddelin.

Sii socodka dhibaatada inta wadey waxaa si niyo ahaan wanaagsan u hortaagnaa shacbiga somaliyeed badanki waloo usan marna helin hoggaan abaabul oo isku duwa caradiisana jid san u bixiya. Saa awgeed waxa marba dhacaysey in kooxi (Cabdiqaasim Salaad, Cabdillahi Yusuf, Sh. axmed ) mihiso deedna cidla uga dhaqaaqdo.

Ugu dambayn waxaa barlamaan an laftigiisu si wada xalaal ah ku imaanini kursigii hogaaminta dalka ku qotomiyey Xasan Sh. Maxamuud oo an horay cidi u aqoon.

Xasan wuxuu u ballaan qaaday Somali in u dalka ku hogaamiyo aragti u sheegay in ay ku salaysnaanayso lixda qodob ee hoos ku taxan

1- Xasilinta dalka, Sarraynta sharciga & Dawlad wanaag

2- Soo noolaynta dhaqaalaha dalka

3- Nabadaynta & dib u heshiisiinta

4- Soo noolaynta adeegyada Bulshada sida Caafimaadka, Tacliinta, Ilaalinta Deegaanka iyo Fayo dhowrka guud ee bulshada

5- Midnimada & Wadajirka ummadda Soomaaliyeed

6- Ilaalinta & abuurista xiriirrada caalamiga ah ee ku salaysan iskaashi & wadajir.

Qodobadaan, sida qof kasta oo wax garad ihi ka dheehan karo, waxaa asaas u ah qodobada 1, 3 iyo 5aad oo an la kala reebi karin la’aantoodna kuwa kale si macne leh ayna u hirgali karin. 3dan qodob ee nabadgalyada iyo wada jirka ummadda hirgalintoodu yaa suurto galin kara inta kale meel marintooda. La´aantood soo nolayn dhaqaale, adeeg bulsho iyo hagaajin xiriir caalami ah midna suuro gal ma noqon karo.

Haddaba see ku dambeeyeen ama maxaa 3dan qodob ka qabsoomay: 1, 3 iyo 5aad.

1aad, xasilinta dalka: waa jirtaa in ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay dhawr magaalo ka saareen dadqalatadii al-shabaab lakiin ma jirto hal magaalo oo ciidamadaasi ay dibadda uga bixi karaan. Magaalo kasta Al-shabaab yaa geesaha ka fadhida oo ciidanka iyo shacbigii magaalada yaa ku go´doonsan. Ma jirto meel kaliya oo ciidanku masaafo 5 km dibadda uga bixi karo magaalada.

Al-shabaab magaalooyinka waxay ka baxaan ayagoo hubkooda iyo ciidankooduba u dhan yihiin wax sii daba galaana ma jiraan si loo wiiqo awoodooda. Waxaad moodaa in hadafkuba ku egyahay sheegashada magaalo hebla yaa dowladdu qabsatay ee usan ahan ka sifayn iyo ka xorayn al-alshabaab degaanka.

3aad iyo 5aad, nabadayn iyo dib-u-heshiisiin: nabadayntii iyo dib-u-heshiisiintii MW Xasan waxay noqotay isku dir, isu-qalabayn iyo( meeshii intaasi deeqi weydo) toos uga qayb qaadasho dowladeed dagaallo beeleedyo. Tani waxaa ka dhacday walina ka socota labada shabelle, hiiraan iyo jubbooyinka.

Shabellede dhexe waxaa si isir beegsi ah iyo taageerada dowladda loogu gubay oo an maanta jirin dhwr toban tuulo. Hiiraan iyo shabellada hoose coolaad ba’an yaa laga aloosay, gobollada foolxumada kala go’nta gaalkacyo iyo dowlo goboleed fool xun oo laga khasbayo gobollada dhexe.

Kismaayo maamul beeleeka raskiyaambooni oo ka amar qaata dowladaha deriska oo gacan taageero buuxda ka haysta dawlo ku-sheega somaliyeed yaa bareer si isir-beegsi ah dadka rayidka guryahooda kala baxa, hanti khasab kula wareegaya, dharaar cadna ku laaya rayidka bartamaha magaalada.

Ma jiro tobaad kaliya oo an maleeshiya beleedka Raaskambooni tobaneeyo qof oo rayid ah ku dilin kismaayo. Waxaa somaliyi wada ogtahay in Maamulka madaxweyne Xasan sheekh u kismaayo si khiyaamo ah uga kaxeeyey Barre Hiraale oo la beel aha dadka la isir-beegsanayo asagoo sheegayey in u dadka degaanka heshiisiinayo. Waxay ahayd u gacan bannaanayn Axmed Madoobe in u rayid si xawlli leh u xasuuqo.

Ma wuxuu wadaa Xasan Sh. Maxamuud shaqo dal xasilin, nabadayn iyo dib-u-heshiisiin mise colaad curin, kala geyn iyo iskuday beel beel kale u lagad, marka u tagayo kismaayo oo taageero iyo dallacsiin ugu yaboohayo Axmed Madoobe iyo Maliishiya beeleedkiisa asagoo (Xasan Sheekh) u fogeeyey Barre Hiiraale Xamar, asago og in Axmed Madoobe ka baxay wax kasta oo ay heshiis horay u wada galeen dowladiisu, Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale, asagoo og in xasuuq beeleed iyo barakicin xoogani ka soocdaan kismaayo?

Ma istaahilo taageero iyo xurmayn qof(sida Axmed Madoobe) u bareeray dil rayid an qalabasnayn, kii (sida M.W. Xasan Sh.) falkaa dhirrigaliyaa ama gacansiiyana waa dambiile ? madaxweyne markuu dhaqankaa la yimaadana wuxuu mudan in xaafiiska laga eryo.

Ma jiraan wax ka sokeeya ee la mariyo, waxa u madaxda ka yahana ma aha in loo aqoonsado dowlo qaran .

Madaxweyne, siduu mudanayo maamuus sare markuu xilkiisa gudanayo si la mid ah yuu ciqaab sare u leeyahay markuu xumaato u bareero.

Madaxweyne in lagu magacaabo ma istaahilo nin ubax ka guddoomayaa gacan dhiigii xaamilo u dilay wali gantisa ka da’ ayo. Xasan toos buu qayb uga yahay xasuuqa rayidka.

Maxayse ku salaysantahay taageerada Xasan siinayo nin dhiiga dadka rayidka ku dabaalanayaa?

Maxuuse ku dhisan yahay u jilbo jabsigiisu nin bishii 2-4 jeer min laba jeer Nairobi iyo Adidsababa warbmarixin geeyaa caasimada somaliyana ka caagan.

Mr Xasan Sheikh ma aha nin wada hawl qaran iyo mid(sida dadka qaarki qabo) qabiil toona.

Xasan wuxuu wadaa hawl kutlad xaraan isku bahaysatay oo hadafkeedu ku kooban yahay in ay xukunka ku raagto say ugu qaraabato. Kutladaasi ciddii (Ethiopiya, Kenya, Al-shabaab, maafiayada gudaha iyo tan dibadda ) ay u aragto in ay hal galin kaliya ku kalmayn karto kursi ku sii raagga yey xulufaysataa oo u fulisaa teeda. Waa taa arrinta kaliya ee midaysaa Axmed madoobe, Shariif Sakiin iyo Xasan Sheikh. waa dhaqan burcadnimo(mafia style ) .

Dowladda Xasan, maamul wanaajin iska dhaafe, waxay ku sii kordhisey intii horay xumaato loo yiqiin oo khaarajini ku jirto ka ganacsi furan ee codbixin-siyaasadeed iyo xilalka dowladda.

Ugu dambayn dhismaha dowladda 12 -01-2015 wuxuu mar kale muujiyey xaqiraada doqonimo ee Xasan kula dhaqmo dadka somaliyeed. Xasan haba yaraatee isuma haysto in u yahay u adeege shacbiga somaliyeed, dareenkiisa iyo taladiisuna wax qiime ah uguma fadhiyaan.

Xasan dalka godbuu ku sii ridaya waxaana barlamaanka la gudboon inuu inta gori goor tahay Xasan xilka ka qaado somalida kalena in ay saa ka dalbato barlamaanka.

Waxba tari mayso in la yiraahdo xukuumada ina Cabdirashiid kalsooni ha la siiyo iyo ha loo diido. Xasan inta u joogo dalku tillaabo horay u qaadimaayo oo qoorshihiisa yaaba ah in an waxba qabsoomin suu muddo kororsi u helo 2016.

W/Q: Axmed Sheekh Xasan