Top News: Dr. C\Kariim Jiirow Sharmarke “ Qaadka Waxaa Lagu duraa Daroogo Layiraa CBC oo AH Cocaine”

0

Magacaygu waa C\Kariim Jiirow Sharmarke waxaan kasoo shaqeeyey waxbarashada, wakaalada horumarinta dekdaha, iyo wakaalda horumarinta beeraha oo loo yaqaan ADC waxaan hada deganhay magaalada washinton ee maraykanka,intii aan joogay ADCda ayaa waxaan qaadnay qaadka miirooga ah iyo harerigamarkii aan uga yaabnay sida ey dadku u malabsanayaan marka uu qaadku yimaado waxaan geeynay shaybaarka ugu wayn ee roma dalka talyaaniga waxaana baaris kusameeyey takaatiirta qubaro ah waxaana laga helay daroogu layiraa cbc oo ah nooc ka mid ah muqaadraadka oo lagu duro geedka jiridiisa iyo bastasaydh oo nooc aad usareeya oo loogu talagaly ayaxa oo dadka biniaadmiga dhibaato u gaysanaya, hadaba suntaas oo umadda soomaliyeed aysan ogeyn ayaan warbixintii u keenay madaxwaynihii somaliya markaas ka talinjiray Allaha unaxariisteemaxamed siyaad markuu arkay wuu iska ooyey waxa u yiri dadkayga suntaas ayaa lasiiyaa waana labao dowladood oo cadow ah waa itopia iyo kenya.

Waxa uu amray dekareeto heer madaxwayne ah in qaadka laga joojiyo dalka oo dhan oo kotrobaan laga dhigo cidii lagu qabtana sharciga lahorgeeyo waxa uu si toos awood buuxda usiiyey sarakiisha adc oo iyada xitaa si toos u xirijirtay ciidamada amaanka markii ey ku xadgubaan soo galinta qaadka, hadaba waxaan umadda soomaliyeed meel kasta oo joogaan u sheegayaa dhibaatada qaadka oo laga soo qoray oo ah sidan:

1.In uudilo ciridka oo qofku ilkaha ka daataan isga oo dhalinyro ah isla markaasna ey ka lunto dhadhanka iyo urta ama carbku bararo

2.In uu u xunyahay makaanka dumarka iyo kan raga “sex organs’oo biyaha ay iska socdaan dhibaatana u keeno ilmaha dhalanaya muuqaal ahaan.

3.In uu qofka ka jaro cuntada oo uu musqul aadin muddo 4ilaa 5 cisho oobaabasiir ku noqdo ka dibna ay qabsinadu iyo mindhicirkuba xirmaan ookanser ku noqdo

4.Qofka oo dhiig sanka ka yimaado nerfaha maskaxdana uu buro ku abuuro oo suurtagal noqoto in uu qofku waasho ama garashadu ka lunto.

Waxaan warbixintaas loo gudbiyey Agaasimha waaxda takhaatiirta qaranka ee wasaarada caafimaadka si dadka u wacye galiyaan.hadaba waxaan ka codsanayaa umadda soomaaliyeed meel kasta oo ey joogto in kafogaadaan qaadka, waxaana ka codsanayaa culumaa’diinka, indheergardka , kaaba qabiilda iyo dowlada ku meel gaarka ah in ay joojiyaan qaadka oo idaacdaha ka sheegaan dhibaatooyinka iyo waliba xaga dhaqaalaha lacagta ku lumaysa maalinkasta oo ah 400 oo kun oo dollar wadanka gali lahayd.qof kasta oo somaali ah waxaa looga baahan yahay in dhankiisa is xil qaamo oo si wada jir ah dhibaatada looxaliyo,Ogaada shacabka itopia iyo kenya macunaan qaadka

Aniga hadaba hadii aad I tustaan in diyaar u tihiin qaadka joojiskiisa waxaan tilaabo ka qaadayaa diyaardaha qaadka keena oo ah muqaadaraad in laga qaado sharciga ey haystaan dadka dayaarada u kiraysan ama shaqsiyaadka ka baacimushtra xitaa hadii ay haystaan sharciga yurub ama maraykanka ama carabta waayo waxay ku jiraan daroogo ah mamnuuc oo dadka ku dulaynayaan xitaa dadka hantida u haya ayaan xoolaha ka qaadaynaa oo aan ku dawaynaynaa dadka ey sumeeyeen wadanka aan joogo dhalinyaro somali ah oo qaad lagu qabtay sharcigii waa laga qaaday maxkadana way u socotaa.wax badan ayaan u qaban karnaa somaliya hadii xilkasnimo la muujio, maamaah ingriis ah ayaa oranaysaa “To be good is not enough when you dreaming being a great”waxaan uga jeedaa intaas ka badan ayaa layga filayey wali ma gaarin sida aan rabay. Waxaan salaan gaarsiinayaa 114 quraanka cadadiisa umadda soomailyeed meel kasta eyjoogto,.

W/Q: Dr. C\Kariim Jiirow Sharmarke