DAAWO: Shacabka magaalada Buuhoodle oo ku dibadbaxay madaxweyne ku xigeenka Puntland ee halkaas gaaray

0

Waxaa dhawaan magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn gaadhay madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Cabdilaahi Cumar kaasi oo u tagay Buuhoodle ka qayb galida madasha caleema saarka isla markaana shacabka ugu soo gabaday maadaama u ka soo jeedo beesha garaadka dooranaysay taasina ay sababtay inuu soo gaadho Buuhoodle.

Shacabka reer Buuhoodle ayaa ku kala duwanaaday qaabka soo dhoweynta Madaxweyne ku xigeenka oo qaarkood ay diidanaayeen inuu xataa yimaado halka dadweyne badanna ay soo dhoweyeen.

Shacabka buuhoodle oo ah dad isku mow qaf ah intooda badani ayaa kusoo dhaweeyey calamada khaatumo state waxaana dadweynahii wadooyinka tubnaa ay kor utaagayeen kabaha lagu socdo yagoona ku dhawaaqayeen erayo ay kamid yahiin khaatumo ha noolaato.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA:

IMG_8003 IMG_8004 IMG_8005 IMG_8023 IMG_8024 IMG_7984 IMG_7989