Xaflada qado sharaf ah ah o lagu maasuuyay guushii Gabdhaha Heegan ay gaareen Horyaalkii kubada gacanta ayay Maamulka Naadiga Heegan sameeyay Gabdhaha kubadda Gacanta ee Heegan ee guusha gaaray.
Xafladan qadada ah oo lagu qabtay Baar liido ee degmada Cabdi-casiis waxaan kaoso qayb galay maamulka, ciyartoyda, iyo Macalimiinta Naadiga Heegan.
Gudoomiyaha Naadiga Heegan Maxamed Ibraahin Cabdi oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay sandkan ay Gabdhaha kubada Gacanta Heegan soo bandhogeen ciyaar wanaasgan oo asluub leh koobkiina ay difaacdeen,maamulka uu abaal marinayo qayb kasta oo ka mid ah naadiga Heegan ee guul soo hoyda, dadaal dheeri ahna samaysa
Amino Abuur Cumar ( Aamoow) oo ahayd ku guulaysatay gool dhalinta Horyaalka kubada gacanta Gabdhaha, uu kuhadlaysay Magaca ciyaartoyda ayaa u mahad celiyay Macalimiinta kooxda o atabar wanaasgan siiyay iyo maamulka oo mar walba dhiira gelin ula taagnaa inta uu tartanka socday.
Maamulka Heegan ayuu sanadkan sanadkii tagay u ahaa sanad wacan kadib marki ay ku guulaysteen Horyaalkii kubada kolayga, Horyaalkii kubada gacanata Wiilal iyo Gabdho, horyaalka ciyaaraha fudud, waxayna sanadkan ku rajeyo wayn yihiin in ay ku gulaystaan horyaalka kubadda cagta oo oo ay kooxda adkaatay dhamaan kulamadii ay ciyaartay horyaalka.