DEG DEG : Al-Shabaab "Salmaan Al-Muhaajir, ayaa Fuliyey Weerarkii….. (Sii Ogow Xog Badan Oo Cusub)

0

WAR HADDA AH : Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Ururweynaha Al-Qaacida, ayaa markii ugu horeesay waxa ay soo bandhigtay magaca iyo Sawirka ninkii Hogaaminayay weerar Dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay ka geesateen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda Bidhii june ee Sanadii 2010-kii.

Salmaan Al-muhaajir oo ah nin kasoo jeeda Dalka Kenya ayaa la sheegay in uu hogaaminayay Weerarkii qasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday Baar lagu daawanayay Finalka Ciyaarihii aduunka ee kasocday Dalka Koonfur Afrika, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad tiro badan .

Filim ay soo saartay mu’asasada warbaahineed ee Al-kata’ib. oo ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Muuqaalka ninkan oo hogaaminayay Guuto loogu magac daray Saalax Al-Nabhaan, kuwaa oo weerar ka geestay bishy July ee sanadii 2010-ka Magaalada Kampala.



Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay masuuliyada weerarkaasi ay ku dhinteen dad Ugaandees ah iyo kuwa kale oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya, waxaana waxii xiligaasi ka dambeeyay si weyn loo adkeeyay amaanka guud Magaalada Kampala ee Caasimada Dalka Uganda.