Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” Oo Kamid Ah musharaxiinta u taagan qabashada hogaanka maamulka Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Qaybdiid Ayaa sheegay in dadka wada dagaalamaya ay yihiin dad walaalo ah oo hal deegaan kasoo jeeda, balse dagaalkaan uu yahay mid ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin Dhibaato ka wada Goboladaasi.
Walow Uusan Si Cad Usheegin Cida ka danbeysa, hadana wuxuu sheegay inaysan wanaagsaneyn in dadka Gobolada dhexe kasoo jeeda aan lagu jahwareerin xilligaan siyaasad, loona baahan yahay in loo madax banaaneysiiyo Maamul usameynta Gobolada dhexe.
“Waxaan Ku Baaqayaa in si deg deg ah dagaalkaasi loo joojiyo si loo baajiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi ku daadanaya” waxaanna culimadda iyo waxgaradka kasoo jeeda Gobolldda Dhexe ugu baaqayaa’ inay waan-waan labada dhinac ka dhexbilaabaan”Ayuu Yiri Qeybdiid.
Docda Kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa ugu baaqay hay’adaha Samafalka inay ka shaqeeyaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadkii ka barakacay Magaalada Guriceel ee ku dhibaateysan duleedyada Magaaladaasi.
Dagallo Usababay Dhimashada iyo Dhaawaca Dad Badan Ayaa Shalay Mar kale Dib Oga Qarxay Dagmadda Guriceel, Kuwaas Oo udhaxeeya ciidamada Dowladda iyo Garab ka mid ah Ahlu Sunna oo ku dagaalamaysa gacan ku haynta Magaalada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud.