Wararka ka imaanaya Magaalada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Goor dhaw Madaafiic ay ka bilaabatay Barriga Magaalada Gurceel,kuwaas oo ay is weydaarsanayaan Dhinacyada Dagaalamaya,
Dad Goobjoogeyaal ah ayaa AGGM u sheegay in Tiro Madaafiic ah ay Labada Dhinac isku weydaarsanayaan Duleedka Magaalada,iyadoona laga Cabsi qabo Dagaal toos ah in uu Qarxo.
Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Milatariga Dowladda oo Saaka ka soo baxay Magaalada Dhuusomareeb ayaa la soo warinayaa in kuwa Ahlusunna ay jidka u galeen,waxaana Wararku ay sheegayaan in Weerarkaasi uu Khasaaro geeystay.
Xaalada Gurceel oo Saaka u muuqatay mid degan ayaa hada ku soo laabatay Cabsi iyo in Dagaal uu Dib uga bilowdo.
Halkaan Hoose ka dhageyso wareysiga: