(Dhageyso+Sawirr) Wasiirka Warfaafinta oo maanta Xilkii la Wareegay.

0

Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka warfaafinta xukumadda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka dhacday Muqdisho, iyadoo munaasabadda uu ka qaybgalay ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyadoo uu xilka wasaaradda wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda, isla mar ahaantaana ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta, C.llaahi Colaad Rooble.

Xafladda ayaa lagu soo bandhigay qayb ka mid ah waxqabadka wasaaradda warfaafinta Somalia, iyadoo agaasimaha wasaarada, C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) uu ka sheegay munaasabadda in shaqaalaha wasaaradda ay ku shaqeeyaan xaalad adag.

C/llaahi Colaad oo wakiil ka ah wasiirkii hore ee wasaaradda, Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow ayaa yiri. “Mudane ra’iisul wasaare shaqaalaha wasaaradda waxay ku xaquuq yihiin shaqaalaha caadiga ah ee dowladda Somalia, iyagoo shaqeeya muddo 24-saacadood ah, waxanase ku dadaalaynaa in arrintaasi la xaliyo.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Rooble ayaa xilka wasaaradda si asmi ah ugu wareejiyay wasiirka cusub ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir, iyadoo lagu kala saxiixday xafladda dukumiintiyada xil-wareejinta.

Sidoo kale, wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xil-wareejinta ka hadlay ayaa sameeyay ballan-qaadyo ku aaddan inuu sii dardar-gelin doono howlaha wasaaradda u degsan sannadka 2015-ka, isla markaana la tayeyn doono dhammaan qaybaha wasaaraddu ay ka kooban tahay.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo munaasabadda uu xilka kula wareegay wasiirka warfaafinta khubad ka jeediyay ayaa ammaan iyo boggaadin u soo jeediyey shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, isagoo isla goobta ka ballanqaaday in ahmiyad weyn la siin doono wasaaradda si loo soo saaro door ka ay ku leedahay Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka:

1 2015225635604435926265623DSC06873 2015225635604436224259910DSC06821 2015225635604436465463740DSC06840 2015225635604436759086976DSC06856 2015225635604437025020336DSC068721 2015225635604437165531542DSC06838 2015225635604437307636329DSC06892 2015225635604437496770344DSC06828 2015225635604437616967374DSC06822 2015225635604437705695472DSC06878 2015225635604437840636284DSC06923