Ciidamada Dawlada Puntland ayaa gacanta ku dhigay Tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan iyo dadka Wax Tahriibiya,xilli ay doonayeen inay u Tahriibaan dalka Yaman.
Saraakiisha Ciidamada badda Puntland iyo Taliska Ciidanka Booliska,ayaa Dekeda Bosaso kuso Bandhigay Tahriibayaasha,Gaadiidka ay saarnaayeen iyo Ragga wax Tahriibiya.
Taliyaha Ciidamada badda Puntladn Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo la haday Saxaafadda ayaa sheegay in Tahriibayaasha la qabtay ay ku jiraan dad caadaystay inay ka Ganacsadaan Tahriibta.
‘’Waa Tahriibaystayaal caan ah markii saddexaad ayaa laso qabtay,waxay doonayeen intay dadka badda ku daadiyaan oo ay badbadaan,Sharciga ayaa la horgaynayaa’’Ayuu yiri.
Taliyaha Ciidanka Booliska Dawlada Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Ciidamada sameeyay hawlgalka lagu soo qabtay tahriibta.
‘’Saaka aroortii ayaa Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen Laash Tahriibayaal ah iyo Nimankii watay,saddex qof ayaa la hayaa oo ah kuwa Wax Tahriibinayay,aad baan ugu mahadcelinayaa Ciidamada amniga Puntland oo shaqo fiican qabtay’’Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
Wuxuu intaas ku daray‘’…Waxaan ka codsanayaa Garsoorka iyo Xeer illaalintu ay Sharci mariyaan,dadkan waa in Sharciga la mariyaa,Tahriibiyuhu wuxuu doonayaa inuu Naf gooyo’’.
Hawlka lagu soo qabtay Tahriibayaahsa ayaa kuso beegm,aya xilli Baarlamanka Dawlada Puntland ay horay u ansixiyeen Sharci ka dhan ah Tahriibta iyo dadka Wax Tahriibiya.
Yuusuf Cabdi shire
All-Galgaduud Medi.
Boosaso, Puntland.