(Sawirro) Meydka Qof Dumar ah oo Maanta laga helay Xeebda Liido : Naxdin iyo Cabsi….

0

Meydka Qof Dumar ah ayaa Saaka lagu Arkay Xeebta Liido ee Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Meydka Qofka Dumarka ah ayaa la keenay Isbitaal ku yaala Degmada Xamar-weyne,iyadoona aysan jirin Cid Aqoonsatay Meydka Gabadhaasi.

Dhaqtar kamid ah kuwa Isbitaalka Iqra oo Meydka Gabadha la geeyay ayaa Kulmiye  u sheegay in Meydka ay Isbitaalka keeneen Shan Wiil oo dhalinyaro ah,kuwaas oo goobta iskaga tagay.

Wariye  Zakariye Maxamuud  Timacadde oo ka tirsan Kulmiye ayaa Booqday Isbitaalka Meydka la dhigay ,wuxuuna sheegay in Meydka aysan ka muuqan wax Dhaawacyo ah,balse loo maleenayo in Labiyo Cabsiiyay Gabadha Ama Ceego lagu dilay.

Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in la Aqoonsan waayay Meydka Gabadha,waxaana uu Codsaday in Cidii Aqoonsata Meydka ay Isbitaalka la soo xariiraan.

Maamulka Degmada Cabdi Casiis wali kama hadlin Arrintaan ku Aadan Meydka Gabadha Saaka laga soo qaaday Xeebta Liido ee Degmada Cabdi Casiis.

Hoos Ka Daawo Sawiradda:

11eeoo