Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Gen.Yuusuf Xuseen Dhuumaal in uu u gacan qaaday Gen. Cabdulaahi Sheekh Ismaacil Fartaag ka dib markii ay isku maandhaafeen sid aloo qeybsanayo Xildibaano lagu sheegay in loo sameenayo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.
Gen. Fartaag ayaa waxa uu ka sheegay madal ay isugu yimaadeen kooxaha taageera Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni in Saraakiisha Dowladda Itoobiya ay ku soo amreen in Beesha Sade Gobolka Gedo ay xaq u leeyihiin in la siiyo 6 Xildhibaan, halka beelaha kale ee ana la garanayn halka ay gobolka Gedo ka dagaan xaq u leeyihiin in la siiyo 18 Xildhibaan.
Gen. Dhuumaal ayaa ugu horeyn u jawaabay Gen. Fartaag waxa uuna yiri (Amxaaro dhulka ilama laha) anaa leh Gobolka Gedo, beelaha kalena waxay xaq u leeyihiin inay helaan 1 Xildhibaan Baardheere, 1 Xildhibaan Ceelwaaq iyo 1 Xildhibaan oo Luuq ah cid sadexdaas ka badan aan ka dhagaysanayana majirto, taas oo sababtay Gen Fartaag markii uu jawaabay yirina Dowladda Itoobiya adiga maad hor istaagi kartid in Gen Dhuumaal uu Feer kala tuuro kursigii uu ku fadhiyay.
Dhinaca kale Gen Fartaag ayaa dhacdadaas ka dib waxaa sidoo kale u gacan qaaday Shaqsi ka soo jeeda Beesha Reer Xasan oo isna sidoo kale ka careysanaa waxa uu ku hadlayay Gen. Fartaag.
Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Gen Fartaag iyo Kooxdiisa Bac Madoow ee u durbaan tumaya in Beesha Sade gobolka Gedo 90% lala dago ay soo dhaafi la’ayihiin kooxihi taageersanaa, haddana ay qarka u saaran yihiin inay ku kala dareeraan Doolow dhawaan iyagoon ku guuleeysan riyada beenta ah ee Horjoogeyaasha kale ee Raaskambooni ay usoo dhiibeen si ay u xaqiraan Jiritaanka iyo Lahaanshiyaha Beesha Sade ee gobolka Gedo, balse Gen. Fartaag ayaa waxa uu hilmaamay in Xaaqinka Uu Dhamaanayo Balse Dhulka Iyo Sade-ba Aysan Sidaa Ku Dhamaanayn).