War Cusub Kismaayo: Dadka Ka Soo Jeeda Beelaha Qaar Oo Guryahooda La Du-duminayo Iyo Sharci Lala Yaabay Oo Shacabka Lagu Soo Rogay…

0

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi ay ka socdaan du duminta guryaha dadka ka soo jeeda beelaha aan ka tirsanayn Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

Waxaa saaka la du dumiyay guryo gaaraya 20 guri oo ay leeyihiin dadka aan u nasab sheegan Maleeshiyada Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Dadkan guryahooda la du-dumiyay saaka ayaa waxa ay ku eedeeyeen Horjooge Axmed Madoobe iyo Maleeshiyadiisa in ay ka wadaan magaalada Kismaayo Barakicin ay u geeysanayaan beelaha aan iyaga u nasab sheegan, sidoo kalena ay tahay waxa ay wadaan caqli xumo maadaama aan dhul lagu dhaxli karin oo kaliya barakicin, dil loo geeysto dadka rayidka ah.

Dhinaca kale Horjooge Axmed madoobe ayaa waxa uu shacabka magaaladaas ku soo rogay sharci ay aad ulla yaabeen ka dib markii uu amrya in qof walbaa dhabaha (Wadada) hormarta gurigiisa uu dhiso oo uu ku shubo Ciid iyo Jaay.

Dadka Shacabka ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay wax lala yaabo maamul shacabka ku qasbaya shaqadii laga rabay in uu qabto taa oo ah dib u dhiska wadooyinka, goobaha waxbarashada, goobaha caafimaadka iwm, Kaarikada Ciida ah sicirkeeda waxa uu manata yahay 800.000 (Sideed Boqol Oo Kun Shilin Soomaali), halka Jaaygana uu yahay 1,300,000 (Hal Milyan iyo Sadex Boqol Oo Kun Shilin Soomaali) xagee qof shacab ah uu ka keenayaa dhaqaalahaas intaa le’eg.

Shacabka careysan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in wadada ugu yar ee qof walbaa hormarta gurigiisa ay u baahan tahay ugu yaraan 4 kaariko oo isugu jira Ciid iyo Jaay…

Isku soo wada duuboo Horjooge Axmed Madoobe iyo Maleeshiyadiisa ayaa Shacabka magaalada Kismaayo waxa ay ka taagan yihiin qadyaan tacadiyadooda isugu jira nooc walba oo qof Bini’aadam ahi lagu dhibaateyo.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media