Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shacabka magaaladaasi ay soo wajahday cabsi iyo wal wal la xiriira ka dib markii 199 Duma ah iyo 150 maleeshiyo ah oo ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni laga helay cudurka dilaaga ah ee AIDS.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shacabka magaalada Kismaayo ay soo wajahday cabsi dhanka caafimaadka ah ka dib markii 199 Dumar ah iyo 150 Maleeshiyo ah oo ka tirsan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni laga helay cudurka dilaaga ah ee AIDS.
Dadkan qaba cudurka dilaaga ah ee AIDS ayaa waxaa la ogaaday ka dib markii qaar ka tisan Maleeshiyada Raaskambooni oo xanuuno la soo darsay iyo kuwa kale oo dhaawacyo soo gaaray awgood loo geeyay dhaqaatiirta AMISOM ee ka howlagasha Airpor-tka Kismaayo.
Dhaqaatiirta AMISOM ee ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo baarintaan ay sameeyeen ayay waxa ay dadkii ay ka heleen cudurkan dilaaga ah AIDS-ka ku amreen in qof walbaa oo ka mid ahaa dadkaas in uu sheego ciduu xiriir la lahaa iyo goobaha uu u dhixi jiray.
Dhinaca kale baaritaan dheer oo ay sameeyeen dhaqaatiirta AMISOM ayaa waxaa hadda lagu soo aruuriyay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo dadka qaba cudurkan dilaaga ah Dumar gaaraya 199 oo ay xiriir la lahaayeen Maleeshiyada Raaskambooni iyo 150 ka tirsan maleeshiyada Raaskambooni oo qaba cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka.
Isku soo wada duuboo waxaa cabsi baaxad weyn soo wajahday dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo maadaama cudurkan dilaaga ah ee AIDS-ka uu si dhaqsa ah ugu faafay magaalada Kismaayo, haddana laga helay Haween gaaraya 199 iyo 150 rag ah oo ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, welina aan la aqoon inta kale ee qabta cudurkan ee ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni.