War Cusub London: Sirdoonka Ingiriiska Oo Dersaya Muuqaalki Falaagada Alshabaab Ay Soo Dhigeen Baraha Internetka…

0

Laamaha sirdoonka dalka Ingiriiska, ayaa bilaabay ineey darsaan muuqaalka Video-ga ah ee ay falaagada argagixisada ah ee Al shabaab soo dhigeen bartooda Internetka, kaasoo ay ku hanjabeen ineey weerari doonaan suuqayada waaweyn ee dalalka UK, Canada iyo Mareeykanka.

Mareeykanka ayaa isagu sheegay ineeysan dhayalsan doonin hanjabaada argagixisada Al shabaab, islamarkaasna ay si dhab ah u qaadan doonaan, iyadoo haatan aad loo adkeeyay amaanka Suuqyada waaweyn ee dalkaas.

Falaagada argagixisada ahe ee  Al Shabaab waxay si gaar ah ay ugu baaqeen in la weeraro rugta ganacsiga ee Westfield, oo ku taala Magaalada London ee Xarunta Britain, sida ku cadba muuqaalka ay baahiyeen.

Qoraal uu soo saaray Maamulka Westfield, ayaa waxay ku sheegeen inaanay hayn cadeymo muujinaaya in weerar uu xilligaan kaga imaan karo Ururka argagixisada ah ee Al Shabaab, laakiin ay feejignaan muujin doonaan.

Waxaa xusid mudan in 21-kii bishii September ee sanadkii 2013-ka, ay ahayd markii Shabaabku ay gudaha u galeen rugtii ganacsiga ee Westgate, iyagoona dhulka geliyay ganacsigii ballaarnaa ee ka jiray.

shabaab hanjabaad