Booliska Kenya ayaa sheegay in 174-Qof lagu dilay weerarada ay ugu yeereen xagjirnimada sanadkii la soo dhaafay ee 2014-ka,waana tiradii ugu badneyd seddexdii sano ee ugu danbeysay.
Dowlada Kenya ayaa ku eedeysay dilalka dadkaan rayidka ah Kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.
Tiro koob maalintii arbacada la soo saaray ayaa Booliska Kenya waxay ku sheegeen in weerarada Kenya laga fuliyay ku dhinteen 312 tan iyo sanadkii 2012-kii,waxaana ku dhaawacmay 779.
Al-shabaab ayaa weerarada ka geysanayaan Kenya waxay qiil uga dhigeen Ciidamada Kenya kaga Soomaaliya si ay iyagu ula dagaalamaan.
Al-shabaab ayaa wali sii wada hanjabaadaha ay u jeedineyso Dowladaha reer galbeed iyo danahooda gobolka.
Hoos Ka dhageyso cod: