Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Kooxda Burcad badeeda Soomaalida ay siidaayeen ilaa 4 Ruux oo ay haysteen mudo Afar Sano iyo Bar ah.
Lahaysteyaasha ayaa u kala dhashay Dalalka Finland, China iyo Australia ,waxaana Wararku ay sheegayaan in lagu haystay Koofurta Gobolka Mudug.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmuudg ayaa lagu Wareejiyay,iyadoona la doonayo in Magaalada Gaalkacyo Diyaarad laga saaro si Dalalkoodi Dib loogu Celiyo.
Ilaa hada lama Oga in Kooxda Burcad Badeeda Soomaalida ee Siidaayay Lahaysteyaashaan u Afduubnaa in ay qaateen Lacag Madax Furasho ah iyo in kale,waxaana Burcad Badeeda Soomaalida wali ay haystaan Dad badan oo ay soo Afduubteen.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: