Xildhibaan Cabdi Samad Macalin iyo xildhibaanad Ubax Tahliil ayaa si wada jira waxay ugu baaqeen in la taageero shirka dib u heshiisiineed ee ka socda magaalada Dhuusa-mareeb,islamarkaana loo istaago sidii lagu joojin lahaa colaada ka aloosan degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud.
Xildhibaan Cabdi Samad Macalin oo hadalka ku horeeyay ayaa dalbaday Dowlada iyo Bulshada caalamkaba inay qeyb lixaad leh ka qaataan xasilinta iyo taageerida shirka ka socda magaalada Dhuusa-mareeb oo ay isku arkayaan dadkii mudada ka badan 20-ka sano kala irdheesnaa.
Sidoo kale,waxaan dhankeeda codk ku biirsaday joojinta dagaalka ka jira Gura-ceel Xildhibaanad Ubax Tahliil,waxayna dhinacyada dagaalamaya ugu baaqday inay u saldhigaan nabad iyo xasilooni dadka u muujiyaan kalsooni inay nabad kula noolaadan.
Waxaa socdo dadaal lagu qaboojinayo xiisadaha ka taagan Galgaduud gaar ahaan degmada Guriceel ee gobolkaasi halkaasi ay ku dagaalamayaan Ururka Ahlu suna iyo Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka dhageyso: