Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u qaabilsan Soomaaliya ambassador Wei Hongtian oo ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labda dal , iskaashiga , fulinta barnaamijyo horumarineed iyo dhaqan-gelinta heshiisyo labada dowadood hore u kala saxiixdeen .
Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray danaha wadaagga ah iyo dardar-gelinta mashaariic dib u dhis oo laga fuliyo dalka Soomaaliya .
Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa lataliyeyaal ka tirsan Xafiiska Wasiirka iyo diblomaasiyiin ka howlgala Safaaradda China ee ee Caasimadda Muqdisho.
Waxaa xusid mudan , in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka China oo soo taxanaa muddo hadda laga joogo 600 sano , iyadoo Culimada iyo Ganacsatada China ay booqdeen deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya sanadkii 1420-kii (Miilaadiyah) si isdhaafsi ganacsi ,dhaqan iyo dhaqaale ula wadaagaan dadka Soomaaliyeed.
Dowladda China ayaa aqoonsatay qaranimada iyo gobonimada Jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii December sanadkii 1960 –kii , taa badalkeeda Dowladda Soomaaliya waxa ay hormuud u aheyd , olole hogaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda China ay xubin buuxa oo joogta ah ka noqoto Golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay Xukuumadda Beijing inay yeelato awoodda codka qayaxan ee diidmada.
Hoos ka daawo sawirro: