(Dhageyso) Maamulka Degmada Wadajir oo Amaro adag soo saaray

0

Gudoomiyaha Degmada wadjir ee Gobolka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmada ayaa ka warbixiyay Amaro  Dhanka Amniga ah oo Maamulka Degmada uu soo saaray.

Amarada Maamulka Degmada uu soo rogay ayaa waxaa kamid ah in Dadka Degmada aysan Guryahooda ka kireyn karin Qof aan la aqoon islamarkaana Sharuudo laga rabo Qofkii ay Guriga ka kireenayaan.

Amarkaas ayuu Gudoomiyaha Tilmaamay in dadka qaar ay Aqbaleen oo ay umahadcelinayaan ,halka uu sheegay in Dad ka biyo diiday Amarkaas ay jiraan.

Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in Amarkaan lagu xaqiijinayo Amaanka Degmada iyo Dadka ku nool si loo yareeyo Falalka amaan daro ee degmada ka dhaca.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: