(Dhageyso) Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo dib loo dhigay.

0

Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay  in dib loo dhigay xiliga la qabanayo Shirka Maamul u sameynta oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  uu ku dhawaaqay in 1-da Bisha March laga furayo Degmada Cadaado.

Madaxa Amniga Gudiga Farsamada  Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Dalka Cuuke Xaaji C/raxmaan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Cilado Farsamo dib loogu dhigay Shirka,waxaana uu ku Micneeyay Sababta in Ciidamada AMISOM ee Cadaado la geenayo loo diyaarinayo Goobihii la dajin lahaa.

Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Dalka ayaa Dhowr jeer waxaa ku yimid  Dib u dhac,iyadoona ilaa hada aysan jirin Waqti loo Cayimay in uu Furmo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: