Al-shabaab ayaa raashiin waxa ay ku gubeen deegaanka Buurweyn ee gobalka Hiiraan, kaasi oo la sheegay in laga keenay dhanka degmada Jalalaqsi ee gobalkaasi.
Laba gaari oo nooca Dameerka Jiida ah ayaa la sheegayaa in raashiinkaan ay wadeen, waxaana lahaa dadka deegaanka Buurweyn sida uu sheegay gudoomiye u xigeenka dhanka maaliyadda ee degmada Jalalaqsi Maxamed Abiikar.
Al-shabaab ayaa la tilmaamay in raashiinka ay meel isugu geeyeen islamarkaana intaasi ka dib dab ay qabadsiiyeen, waxaana dhanka kale dib loo celiyay gaadiid raashiin oo dhanka Buurweyn ku wajahnaa.
Gidoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee maamulka degmada Jalalaqsi Maxamed Abiikar ayaa sheegay , in raashiinka La gubay ay lahayd haweeney ganacsato ah, waxaana meesha uu ka saaray in raashiinkaan uu ahaa mid gar gaar ah.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay ku amreen ganacsatada halkaasi ku sugan in Dukaamadooda aan lagu arki karin wax ka badan 20 Jawaan (Loor) oo raashiin ah.
Deegaano badan oo ka mid ah gobalka Hiiraan waxaa saaran xayiraad ay kusoo rogeen Al-shabaab, waxaana deegaanadaasi ka jira xaalado adag oo dhanka bini aadanimada ah.
Halkaan Hoose ka dhageyso