(Dhageyso) Markab lo’ ka qaaday Dekada Muqdisho oo ku degay Xeebaha dalka Cumaan.

0

Markab lo’ ka qaaday dekada Magaalada Muqdisho, ayaa ku degay xeebaha dalka Cumaan sida ay soo tabiyeen Warbaahinta dalka Cumaan ka howlgasha.

Markabkaan ayaa waxaa saarnaa 350 neef oo lo’ah waxaana la sheegay in sababta ka dambeysay inuu dego ay tahay markabka dabeylo ka kacay badda xilli markabka uu ku dhawaa Xeebaha Ras Al-Had oo ku taalo dhanka bari dalka Cumaan.

Durba waxaa markabkaan u gurmaday ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Cumaan, oo suurageliyay in lasoo bad-baadiyo shaqaalihii iyo xoolihii markaba degay saarnaa.

Ilaa hada Warbaahinta dalka Cumaan ma aysan sheegin khasaaro ka dhashay markabkaasi degay oo soo gaaray shaqaalihii markabka iyo Xoolihii saarnaa intaba.

16-kii Bishii lasoo dhaafay ayeey aheyd markii Markabkaan uu ka ambabaxay Dekada Magaalada Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday dalka Cumaan oo xoolaha lo’da loo dhoofinaayay.

Dalka Cumaan ayaa horay loogu dhoofiyay lo’ sanadka markii uu ahaa 2013-ka markaasi oo aheyd, markii ugu horeysay ee xoolo Dekada Muqdisho laga dhoofiyo dalka dibadiisa loo qaado, kadib bur-burkii Dowladii dhexe.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa xoolaha u dhoofisa dalka Cumaan, iyadoo Dowladda Soomaaliya taasi ku tilmaamtay guul u soo hooyatay Ganacsatada Soomaalida, maadaama xoolaha dalkeena dalka dibadiisa loo iibgeeyo.

Halkaan ka Dhageyso Warbixin: