Waxaa (adduunka) laga xusaya maalinta 8, Maarso ama march oo loo asteeyey Maalinta Haweenka Adduunka oo Soomaaliyana kamid tahay, hayeeshee (Alle)ayaa caddeyey xaquuqda dumarka waxaanunahay muslim xaquuqda haweenayda muslimadda Alle ayaa qur,aankiisa ku caddeyey Allaha weyn ee waxidkaa ayaa karaammeyey Haweenka Muslimkaa waxaa loogu magac daray suuratu maryam) malin kaliya oo reer galbeedku iclaamiyeena waa ka xaquuq badan yihiin haweenka muslimku, daryeelka ay mudan yihiina ma ahaan mid la soo koobi karo…
Waxaa jira dhibaatooyin baaxad weyn oo dumarka Soomaaliyeed laqabaan haween Weynaha caalamka ku nool waxaana ka mida inaysan dumarka Soomaaliyeed inta badan helin xaqii ay lahayeen daryeelkii ay mudnayeen loona geysto arrimo tacadi iyo dhibaato jogtaa..
Waxaa dumarka Soomaaliyeed loogeystay dhibaatooyin aad u foolxun sida kufsi) dhac dil iyo barakicin jogta inta badaan haweenka Soomaaliyeed mahelaan daryeel ku filan xitta kuwa ragga leh ee la qabo ayaan helin xaquuqdoodii waxaadna arkaysaa Gabar Soomalaiyeed oo la daalaa dhacaysa ciyaal iyo dhammaan mas,uuliyadii qoyska halka raggii Soomaliyeed ku mashquulsan yihiin waxaan dani ugu jirin qaad iyo siyaasad qariban..
Faadumo waa gabar Soomaaliyeed waxaan waydiiyey waxay qabato waxay igu jawaabtay walaal waxaan shaqeeya dhawr iyo toban sac waxaan biila hooyaday aabahay iyo ciyaal aan dhalay oo abahood igu furay waxaan wax baraa walaalahay iyo ciyaalkeyga oo aad moodo agoon abihii dhalay waxaa igu dambaysay markii aan kala tagnay bal fiir hooyada Soomaaliyeed dhibaatata haysata iyo mas,uuliyada saran ee ay dhabarka u ritatay waan xaqiijin karaa nin Soomaliyeed oo manta joga inuusan intaas faadumo sheegtay uusan qaban karayn maxaan ugu abaal gudi karaa dumarka Soomaaliyeed?…
Hal-doorka ummadda Soomaaliyeed
Ummaadd kastaa waxaay leedahay haldoor laf dhabar u` ah jiritaankeeda aniga oo anan ka hadlayn ummaddaah kale waxaan rabaa inaan qormadaan ku eego (Haweenka) Soomaaliyeed iyo haybada ay innaga mudan yihiin inaan lagu soo koobi karayn hal maalin oo loo asteeyey waayo HAL -BAWLAHA) Ummadda Soomaaliyeed ama hal doorka Ummadda Soomaaliyeed waa haweenka..
Haweenkeena Soomaaliyeed waa kuwo qaali nagu ah oo` aan lagu soo koobi karayn hal maalin inay leeyihiin taas badal keedna haweenka Soomaaliyeed waxaay innaga mudan yihiin inaan maalin kasta saacad kasta iyo xili kastaa u dabaal dagno kuna dadaalo daryeelkooda iyo wanaagooda waa haddii aan nahay Ragga Soomaaliyeed waayo Hooyada walaashaa xaaskaaga iyo gabdhaada inaad maalin kaliya u aqoonsato ma kula tahay inay sax tahay? jawaabtu waa maya ee maalin kasta waxay naga mudan yihiin dabaal dag iyo daryeel jogtaa…
Haweenka Soomaaliyeed waa laf,dhabarka Ummadda Soomaaliyeed tariikhada Hablaha Soomaaliyeed waa mid gun adag leh waxaan tariikhada ku hayaa xiligii Gobonimmo doonka haweenka Soomaaliyeed waxay ahayeen kuwo ka feejiggan ragga waxaay ahayeen kuwii naf iyo maalba u huray in lahaanto xorriyadii 1960, aan helay inkastoo ragga Soomaaliyeed uu meel xun dhigay xorriyadaas..
Xorriyad raatintii Soomaaliya
Xiligii isticmaarkii reer galbeedka lala daggaalamayey Haweenkeena Soomaaliyeed ayaga oo ilamaha Korinaaya ayaga oo ( UUR LEH) ayaga oo dumara ayey haddana waxay ahayeen kuwo garab tagnaa Ragga Soomaliyeed waxaana qarkood geeriyoodeen ayagoo la daggaalamaya cadowgii Ummadda Soomaaliyeed waxaa kale oo jirtay inay xabsiyaddii Gumaysiga galen kuna dhinteen kuna ummuleen ayaga oo ku jira xabsi gudihiisa waxaan is waydiiya ma loo abaal guday hablaha Soomaaliyeed ? maxaase loogu abaal guday ?
Burburkii qarankii Soomaaliyeed kadib waxa dawlad noqday dumarka Soomaaliyeed oo dhexda u xirtay siday u badbaadin lahayeen ummadooda waxay daryeel u sameeyaan ragoodii ciyalkoodii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxayna noqdeen isha kaliya ee loo baxsaday burbuirkii kadib ilmaa manta..
Hablaha Soomaliyeed waa kuwo ku kalsoon inay damaannad qaadi karaan mas,uuliyadda ummad dhan waxaana caddeyn kuu ku filaan markii Dawladdii Soomaaliya Burburtay halka kaliya ee loo baxsaday waxay noqotay haweenka Soomaaliyeed dal iyo dibad-baa , ayaga oo dusha u ritay badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed alle ayaa wax badbaadiya laakiin waxay xanaaneeyeen kumanaan Soomaaliyeed waxay u dhinteen una Rafaadeen iyagoo caawinaya ummadda Soomaaliyeed waxayna waajib inagu ah inaan si dhaba u,ogaano halka ay inaga jogto gabadha Soomaaliyeed iyo qaymaha ay leedahay…
Isku xirka bulshada
Gabadha Soomaaliyeed waxaay isku xirtaa bulsho ama labo (Ardaa) sida inuu guursdo nin ka soo jeeda qabaa,iil kale kadibna labada qabaa,iil ay dhex marto xididtinimo` Xididtinimo waa hab xiriir oo ka dhexeeya labo bulsho oo, ay isku xirtay Gabar Soomaaliyeed waana haybad hablaha Soomaaliyeed ay uga duwan yihiin Haweenka Adduunka kale waana inay ragga Soomaaliyeed dareeman inay ka nasiib wacan yihiin ragga caalamka kale ..
Gabdhaha Soomaaliyeed waxay karti) buuxda u leeyihiin inay marti soor u samayso marti ku soo hoyata hoygeeda ay hooyadda u tahay haddii uusan joogin mas,uulka reerka waxaa mas,uuliyadda qaatata Hooyada Soomaliyeed ayada oo martita ku maamuusta Hanaan heer sara miyi iyo magaalaba taasina wa hanaan kale oo ay uga duwan yihiin
Soo afmeerid
Waxaan ku soo koobaya hablaheenna hananka wacaan haybadoodu waa inaan daryeel usamayno waa inaan u abaal gudno waa inaan isku meel uga soo wada jeensano midka xun ee hablaheenna ku xad-gudba ama kufsiga iyo tacadiga u geysta waxaan baaq u diraya dhammaan ragga Soomaaliyeed waa inay hablaha Soomaaliyeed tixgaliyaan waa inay muhiimiyadda siiyaan sidii gabadhu wax u baran lahayd sidii gabadhu u heli lahayd caafimaad waxbarasho iyo dhammaan wixii ay xaquuq mudan tahay alle ayaa quraankiisa ku caddeyey xaquuqda ay leedahay gabadha muslimadda waana inaan gudano waajibka inaga saran haweenkeenna waa haddii aanahay ragga Soomaaliyeed..
Hal’doorka ummadda Soomaaliyeed waa Haweenka:
W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email-Guuleed72@hotmail.com ama abdinuur02@gmail.com