Musharax Bashiir Diiriye Shariif (Bashiir Feeraweyne) oo wareeysi gaar ah siinayay Warbaainta caalamiga ah ee Allgalgaduud Media ayaa waxa uu ka warbixiyay ujeedada musaraxnimadiisa iyo alka uu marayo hadda shirka maamul usameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya ee ka socda magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.
Bashiir Diiriye Shariif (Bashiir Feeraweyne) ayaa waxa uu sheegay in sababaha ku kalifay inuu isu soo sharaxo qabashada xilka Madaxweynenimo ee maamulka gobolada dhexe ay ugu weyntahay inuu doonayo inuu samata bixiyo dadka kasoo jeeda gobolada dhexe ee Soomaaliya islamarkaana uu dhoowro midnimada Ummada Soomaaliyeed.
Mudane Bashiir Feeraweyne ayaa mar wax laga weydiiyay halka uu marayo shirka ka socda magaalada Cadaado ayaa waxa uu sheegay in uu marayo meel fiican, islamarkaana laga soo gudbay caqabadihii ugu adkaa dhawaana lagu dhawaaqi doono maamulkaasi.