Waxaa wali magaalada Cadaado ka furan wajiga labaad ee shirka Maamul U sameyn Gobolada dhexe waxaana barbar socda dhaliilo ay qabaan Ergada ka qeyb Galeyso shirka Maamul U Sameynta Gobolada dhexe
Mid kamid ah Ergada ka qeyb Galeeso Shirka Maamul U sameyn Gobolada dhexe ayaa sheegay in maanta magaalada uu ka dhici doono Bananbax Balaaran oo loogu soo Horjeedo qaabkey wax u wadaan Gudiga Farsamada Maamul U sameynta
C/qaadir Cali Xasan waxa uu kamid yahay Ergada shirka Maamul u Sameynta Gobolada dhexe waxa uuna sheegay in ay ka Go;antahay in ay maanta ay Banaanbax ka dhigaan Xarunta ay ku xareysan yihiin Ergada shirka Maamul U samenya Gobolada Dhexe
Dhanka kale waxaa Gudiga shirka Maamul U sameyn Gobolada Dhexe ay sheegeen in ay maanta si amba qaadi doonaa Ansixinta Dastuurka Qabyo Qoraalka uu yeelan doono Mamulka Gobola dhexe
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Howlka shirka la soo buux dhaafiyay ciidmada ka tisan Kuwa Ethopia oo kusugan magaalada Cadaado
HOOS KA DHAGEYSO: