Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka digay in la siyaasadeeyo isku dhafka Ciidamada ee ka socda gobolada dalka.
Jen. Diini oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo ku sugan mareykanka ayaa sheegay in mar kasta Ciidamada ay ka madax banaan yihiin is qab qabsiga siyaasada.
“Ma ahan in xilligan oo lagu howlan yahay isku dhafka ciidamada gobolada ku sugan in la siyaasadeeyo, mar kasta Ciidamada waxay ka madax banaan yihiin is qab qabsiga siyaasada”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga oo u waramayay Idaacada VOA.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in loo baahan yahay Ciidan Soomaaliyeed oo ay ka muuqato qaranimada, isla markaana ay ka wada qeyb galaan umadda Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in isku dhafka ciidanka ay dan u tahay dalka sida uu yiri.
“Ciidan Soomaaliyeed oo ay ka muuqato Qaranimada, oo ay ka wada qeyb galaan Umadda Soomaaliyeed, waxaa loo baahan yahay in aan la isku xirin waxyaabaha siyaasad ahaan lagu kala duwan yahay iyo mida guud ee Qaranka Soomaaliyeed saameyneyso”ayuu yiri Jen. Diini.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyay kulamo uu wafdiga Ra’iisul Wasaaraha la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaha Gaashaandhiga iyo arrimaha Dibadda Mareykanka, waxaana uu xusay in kulamadaas looga hadlay arrimo badan oo la isku afgartay sida taageerida ciidamada.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso inay isku dhafto Ciidamada ku sugan gobollada dalka, iyadoo shirkii dhowaan ka dhacay Garowe ee dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamulada Gobolada lagu heshiiyay dar dar gelinta qorsha isku dhafka ciidamo qaran.