DHAGEYSO: Guddoomiyaha Baarlamaaka Puntland oo ka hadlay kal fadhiga 35-aad oo maanta furmay & waxa la qabanayo

0

Guddoomiyaha barlamaanka Maamulka Puntland mudane Siciid Xasan Shire ayaa maanta qudbad sanad leh ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 35-aad ee golaha wakiilada Puntland.

Mudane Siciid Xasan Shire ayaa sheegay inuu barlamaanku horyaalo qodobo muhiim ah oo kala ah, xisaab xirkii 2014 iyo dib u eegista miisaaniyada 2015. Waxaa kale oo uu sheegay inuu goluhu diirada saaridoono xaalaadaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Puntland.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa sheegay xildhibaanada barlamaanka inay todobaadkii hore kasoo laabteen kormeero lagu ogaanayay xaalada bulshada.

Hoos Ka Dhageyso: