wararka ka imaya Degaanka Wisil ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Dadka Degaanka ay isku qabsadeen Ceel Biyaha laga cabo oo kuyaalla halkaasi ay keentay Khilaaf soo kala dhexgalay Maamulka halkaasi.
Afhayeenka Degaanka Wisil ee Gobolka Mudug Yoonis Axmed Daleel ayaa sheegay in Goobaha Danta guud la boobayo, waxaana uu sheegay in Goobaha la boobayo ay ka mid tahay Ceelkii Degaankaasi oo 43 Sano ka hor la qoday Dadkuna ay biyaha ka cabayeen.
waxaa uu sheegay in halkaasi dhowr jeer ay imaadeen Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka Galmug ay soo gaareen laakiin aan waxba laga qaban sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Maamulka Degaankaasi.
Dhageyso: