Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa ku eedeeyay Maamulka Gobolka Banaadir in dhul ay la haayeen dad shacab ah uu ka bixiyay isagona dad kale siiyay
Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka soomaliya oo maanta Gaaray xarunta asluubta soomaliyeed ayaa sheegay in dad horey loo siiyay dhulka asluubta xoog loogu saaray iyadoona dad kale laga iibiyay
Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Diiriye oo saxaafada La hadashay ayaa sheegtay in dadkii laga saaray dhawaan ay xaq u lahaayeen dhulkaan ayna u doodi doonaan sidii ay ugu soo celin lahaayeen
Sidoo kale Xidhibaan Cali Cumar boodaaye ayaa dhankiisa sheegay in xoog dadka meesha loogu saaray lagana iibiyay dad kale aan u naxeenin shacabka maamulka Gobolka Banaadir ay arimahaas ay ka dambeeyaan
Qaar kamid ah shacabka laga saaray dhawaan xarunta Asluubta oo simba la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loogu celiyo dadkii lahaaa loona baahneen in la burburiyo dad kale ay dhistaan,