Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu diyaar u yahay Wada hadal uu la galo Dowladda Soomaaliya kadib Khilaaf mudo taagnaa oo u dhexeeyay Labada Dhinac.
C/risaaq Cali Mire Al-ashcari oo ah Guddoomiyaha Fulinta Ahlusunna oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Ahlusunna uu diyaar u yahay wada hadal uu la yeesho Dowladda Dhexe ee Soomaaliya si loo xaliyo Madmadoowga Siyaasadeed ee ka dhex jira.
Al-ashcari ayaa intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay horay Heshiis ula gashay Ahlusunna Balse looga baxay Ahlusunna.
Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya ayaa Shirka Golaha Wasiirada ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wada hadal la galeeyso Ahlusunna .
Garab kamid ah Ahlusunna ayaa Dagaal kula Wareegay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gurceel ee Gobolka Galgaduud Bar-tamaha Soomaaliya.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: