TOP DHAGEYSO:- Dowladda Uganda Oo Ciidamo badal ah usoo Diraysa somaliya.

0

Taliyaha ciidamada Uganda Gen Katumba Wamala ayaa uga digey ciidamada Uganda ee imaanaya dalka Soomaaliya inay xiriir la sameeyaan haweenka Soomaaliyeed, waxana uu taliyaha qudbad u jeediyay ciidamo soo dhamaystay tababar kana mid noqonaya ciidamada nabad ilaalinta ee jooga  Soomaaliya.

General Wamala oo la hadlayay ciidamada milatariga ee loo yaqaan Gruoup 16 iyo ciidamo ka mid noqonaya ilaalada Qaramada Midoobay ee Muqdisho kuwaasoo Isniinta imanaya dalka Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Milatariga dalka Kenya Katumba Wamala oo bedelay Aronda Nyakairima sanadkii 2013kii ayaa ugaga digey dhalinyarada labka ah ee ka mid ah ciidamada Uganda inay xiriir nooc walba ah la sameeyaan haweenka Soomaaliyeed isagoo sheegay in taasi ay xumeyn karto ujeedada howsha ee loo dirayo.

Digniintan ayuu ka jeediyay General Wamala xaflad lagu sagootinayay ciidamadan oo ka dhacday dugsi lagu tababaro ciidamada oo ku yaal degmada Nakaseke.Ciidamada milatariga ee ka socda dalka Uganda ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 1442 askari halka ay ciidamada ku biiraya kuwa ilaalada ka ah Qaramada Midoobay xarumaha ay Muqdisho ku leedahay ay gaarayaan 530 askari.

Qaar ka mid ah ciidamada Uganda ee ka mid ah AMISOM ayaa hore loogu eedeeyay inay falal kufsi ah ka geysteen dalka Soomaaliya ayna haween Soomaaliyeed faraxumeeyeen. Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.
HOOS KA DHAGEYSO: