TOP DHAGEYSO:- Somaliland maxa ay ka tiri Xiisadaha colaadeed ee dul hoganaya Laascaanood….

0

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay heegan culus galisay ciidamadeeda amaanka, waxa ayna sheegtay in ay diyaar uyihiin ka jawaabida weerar uga yimaada ciidamada dawladda Puntland oo hada ku sii siqaya duleedka magaalada Laascaanood oo ay Maleeshiyada Somaliland qabsadeen October 27 2007-dii..

Taliyaha ciidamada maamulka Somaliland Jeneraal Ismaaciil Shaqale oo ka soo tagay magaalada Hargeysa ayaa soo gaaray Sool, wuxuuna hadal ujeediyey ciidamada maamulkiisa, isagoo sheegay in looga baahan yahay in ay diyaar unoqdaan weerar uga yimaada Puntland.

Ismaaciil wuxuu sheegay in ay hayaan xogo sheegaya in ay Puntland diyaar ciidamadedu uyihiin xoreynta gobalka Sool, gaar ahaana magaalada Laascaanood.

Daruuro colaadeed ayaa ka jira Laascaanood, waxaana ciidamada Somaliland ay shalay ka baxeen jiidaha dagaalka ee magaalada Laascaanood, sidaas oo kale ciidamada dawladda Punland,

Hoos ka dhageyso: