DHAGEYSO:- Ximan & Xeeb: “Maamulkii Shirka waxaan ku Wareejinay Dowladda” .

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in Maamulkii Shirka Cadaado ay si toos ah ugu Wareejiyeen Dowladda Federal-ka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen ayaa Mustaqbal u sheegay in Shirkii uu si toos ah u galay Gacanta Dowladda oo ay dhankooda muddo uu xayirnaa keddib ay ku wareejiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo horay u joogay Cadaado waa uu suuragelin waayey in uu Maamulka Ximan iyo Xeeb ku qanciyo u jeedkii uu u tegay Cadaado, waxaase Xildhibaano Maalmihii lasoo dhaafay jooga halkaas u suura gashay in ay aqbalaan in Shirka ama ay wadaan ama Dowladda u dhiibaan.

Halkan waxaad ka dhegeysan kartaa Codka Wasiirka Maxamed Xaaji.