Waxaa wali ka socda Magaalada Dhuusomareeb kulamo Albaabada u xiranyihiin oo u dhaxeeya Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Somaliya C/raxman Odawaa iyo Masuuliyiinta Ahlusunna.
Kulamada oo ilaa xalay iyo maantaba socda ayaan wali wax war ah laga soo saarin waxaana warar ay heleyso Radio Kulmiye ay shegayaan in Ahlusunna ay Wasiirka hordhigeen sharuudo ay wataan isla markaana ay ka doonayaan in Dowladda Somaliya ay fuliso.
Sharuudaha ayaa waxaa kamid.
1: In lahakiyo Shirka G/dhexe inta ay iska fahmayaan Dowladda iyo Ahlusunna.
2: In raali galin ka bixiso Dowladda hadalo ka dhan Ahlusunna oo warbaahinta laga sheegay
3: In la sameeyo Xabad joojin cusub inta wada xaajoodka socdo
4: In Ahlusunna ay diyaar utahay wadahadal ay Dowladda la gasho
5:In beesha caalamka ay goob joog ka noqdaan wadahadalada iyo Heshiiska dhexmaraya Dowladda iyo Ahlusunna.
Qodobadan ayaan wali Dowladda aqbalin waxaana sidoo kale jira in Wasiirka arimaha gudaha oo wato qodobo kale oo uu doonayo in Ahlusunna ay fuliso dhankeeda si xal waara loo gaaro.
Kulanka oo socda wali ayaan la ogeyn waxa kasoo bixi kara madaama aan wali labada dhinac Warsixaafadeed soo saarin.
Wariye Maxamed Tooxow oo dhuusamareb Jogga ayaa Allgaduud Goordhow Uwaramay: