DHAGEYSO:- Japan oo waqti kordhin u sameyneyso ciidamo kaga sugan Soomaaliya

0

Dowlada Japan ayaa qorsheyneyso iney muddo sanad ah u kordhiso ciidamada badda ee kaga sugan xeebaha dalka Soomaaliya kuwaasi oo la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda ee bariga qaarada Africa, sida xubno dowlada Japan ka tirsan laga soo xigtay.

Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe golahiisa wasiirada ayaa la filayaa iney ansixiyaan waqti kordhinta bisha Julay loo sameynayo ciidamada kaga sugan xeebaha Soomaaliya, waxaana xaqiijinta amaanka xeebaha Soomaaliya la sheegay iney muhiim u tahay dowlada Japan.

Ciidamada dowlada Japan ayaa soo gaaray xeebaha Soomaaliya sanadkii 2009 xiligaasi oo ay badnaayeen weerarada kooxaha burcad badeeda ka geysanayaan xeebaha dalka Soomaaliya, si loo difaaco maraakiibta ganacsiga ee xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan isticmaalayay.

Howlgalka ciidamada Japan ayaa la kordhiyaa sanad walbaa waxaana lagu kordhiyaa kaliya muddo sanad ah, iyadoo qorshaha uu yahay iney ka qeyb qaataan howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda.

Bishii December sanadkii 2013 Japan ayaa ku biirtay howlgal ay ka qeyb qaadanayaan dad kasocdo wadamo kala duwan oo ay hogaaminayeen Mareykanka iyo Britain.