Kooxo hubaysan oo ilaa hada aan la aqoonsan ayaa waxa ay xalay Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ku toogteen Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Magaaladaasi.
Xilliga falka dilka uu dhacaayay Sarkaalkaan wuxuu kasoo baxay Masaajidka oo uu ku soo tukaday Taraawiixda, hayeeshe dabley hubaysan ayaa afaafka hore ee masaajidka waxa ay ku toogteen Sarkaalkaasi.
Dableydii hubaysneyd ayaa ka baxsatay goobta, iyadoo aysan suuragelin in ciidamada Booliska Wajeer ay gacanta ku dhigaan kooxdaasi hubaysan.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Barre C/laahi, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha dhanka ammaanka qaabilsan Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari.
Ciidamada Booliska Degmada Wajeer oo goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray xalay ayaa sameeyay howlgal aan la ogeyn cida ay ku soo qabteen.
Saraakiisha Gobolka kama aysan hadlin dilkaan xalay loo geystay Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada ammaanka.
Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan dalka Kenya, waxaana dilka Sarkaalkaan uu ku soo aadaya xilli Booliska Kenya ay baahiyeen sawirada 36-ruux oo Shabaab ka tirsan oo Kenya ay doon-doonayso