TOOS U DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Cadaado

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan”Jawaari” ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Jawaari waxaa la socda Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia, waxaana Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay xubno uu horkacaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia iyo xubno kale oo ka tirsan masuuliyiinta Cadaado ku sugan.

Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada la socda ayaa la geeyay Madaxtooyada Magaalada Cadaado, waxaana ay ka qaybgali doonaan xaflad lagu dhaarinaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada la dhaarinaayo ayaa la sheegay inay ku diyaarsan yihiin hoolka shirarka Magaalada Cadaado, dhawaana ay bilaaban doonto xaflada lagu dhaarinaayo Xildhibaanadaasi.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia uu ku tago Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ka socoto dhismaha Maamulka Galmudug.

Wasaarada Arimaha Gudaha Somalia ayaa shalay soo saartay jadwalka uu ku soconaayo shirka Maamul U Sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Weli si rsmi ah looma sheegin tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Maamulka Galmudug ay noqon doonaan, maadaama weli ay dhiman yihiin Xildhibaanada qaar oo beelahooda aanan soo gudbin.