Top News: Falaagada Alshabaab Oo Gudaha U Galay Xalay Madaxtooyada Maleeshiyaadka Raaskamboni.

0

Kismaayo(AGGM) Saqdii dhexe ee xalay waxaa laga maqlayey daryanka hubka culus iyo qoryaha fudud,waxaana Xarunta Madaxtooyada ay ku tilmamaan Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni lagu qaaday weerar culus iyadoo la shaaciyey inay weerarkaasi fuliyeen maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsan Alshabaab.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa la shaaciyey inay weerar qorshaysan xalay ku galeen Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo iyagoo la sheegay inay dhawr jiho ka soo weerareen,waxaana la sheegayaa inay gudaha u galeen Alshabaab xaruntaasi, isla markaasna khasaare naafeed oo xoog leh soo gaarsiiyeen maleeshiyaadkii halkaasi ilaaladda ka hayey.

Xilliga Maleeshiyaadka Alshabab weerarkaasi fulinayeen ayaa la sheegay inay Madaxtooyadda ku sugnaayeen Horjoogayaasha kala ah Isbatoore Fartaag iyo Luga Dheere,waxaana la sheegay inuu Horjoogaha ugu weyn Axmed Madoobe uu dalka dibediisa uga maqnaa.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegay inay ka carareen halkaasi markii Alshabab Hoobiyeyaal ku gaaraceen,waxaana la sheegayaa inay sidoo kale Fartaag iyo Luga Dheere u qaxeen Xarun Ciidamada Kiiniya ku leeyihiin Nawaaxiga Madaxtooyadda.

Ciidamada Kiiniya ayaa la sheegay inaysan ka qayb qaadan dagaalkaasi xalay isla markaasna markii dambe ay madaafiic ku gaaraceen Madaxtooyada iyadoo sababtey in Alshabaab halkaasi iskood uga baxaan,waxaana wararku sheegayaan in Alshabaab ay si nabad ah uga laabteen Madaxtooyada isla markaasna qaateen Dokumentiyo ay la hayeen Horjoogayaasha Raaskambooni.

Ugu dambeyntii weerarkaasi ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen Maleeshiyaad ka tirsan Raaskambooni iyadoo qaarkoodna lagu daaweynayo xarun Caafimaad oo ku taala garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo ciidamada dawlada Kiiniya halkaasi ku leeyihiin.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media