TOOS U DAAWO: Dhibane Maxamed Faarax Xasan Sida Loogu Galay Xabsiga jigjiga 8 Sano Oo uu Xirna,Naxdin Iyo Oohin

0

Sida la wada ogsoonyahay Soomaalida ku dhaqan Kilinka 5-aad waxay la deris yihiin gumaad,Kufsi ,Jirdil iyo Xasuuq,waxaana arrimahaasi oo dhan ka dambeeya kooxo biidhi qaatayaal ah oo ka soo jeeda degaanada Kilinka 5-aad kuwaasi oo ehel u ah inay dhibaatooyin u geystaan shacabka Masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Sida la wada ogsoonyahay kooxahaasi ma nabad gelinayaan aabaha iyo hooyadda dhalay iyaga waxayna ehel iyo walal ka dhigtaan inay dadka shacabka ah xasuuqaan, kufsadaan,dilaan,gawraacaan,waxaana sii xoogeysta dhibaatada ay ku hayaan shacabka Ogadeeniya iyagoo aan u fiireneyn ehel iyo walal toona balse shilin siisanaya.

Halkan waxaad ka daawan doontaa nin Maskiin ah oo ka tagay dalka mareykanka isla markaasna muddo 8 sano ah ku xirnaa xabsi isagoo la kulmay qaawin iyo jirdil isla markaasna sheegay inay kufsanayeen dumarka oo aysan wax ehelinimo iyo walaalinimo ah lahayn Cabdi Iley iyo kooxdiisu.

Maxamed Faarax Xasan waa dhibane dhibaato lixaad leh uu geystay Cabdi Iley iyo kooxdiisu waxaana uu shaaciyey inay ku qabteen Magaalada Jigjiga isagoo aan wax dhibaato ah geysan isla markaasna ay ku tilmaameen inuu yahay sarkaal ka tirsan Jabhadda Xornimo u diiriirka Ogadeeniya.