Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee NSA ayaa la sheegay inay basaastay Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande iyo labo Madaxweyne isaga ka horeeyay oo kala ahaa Nicholas Sarkozy iyo Jacques Chirac.
Sida ay daabacday Shabakada WikiLeaks oo horay u soo bandhigtay macluumaad loo dusiyay oo ku aadanaa document-yo la xiriiray sida Hey’adda Sirdoonka Mareykanka u basaasaan Madaxda dalal ku yaal Caalamka.
Warbixintan ay daabacday WikiLeaks ayaa muujinaya in intii u dhaxeysay 2006 illaa 2012 Mareykanka uu basaasayay Madaxda Faransiiska, iyadoo la dhageysan jiray Taleefanadooda.
Shabakada WikiLeaks ayaa si hoose ah loogu dusiyay sir hoose oo la xiriiray sida loo jaajuusayay Madaxda Faransiiska.
Mareykanka ayaa arrintan xaqiijin iyo docment-yada la soo bandhigay, iyadoo Madaxweynaha Faransiiska Mr Hollande uu shir deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Amniga.
Mid ka mid ah Document-yada uu WikiLeakes baahiyay waxaa ka mid ah, in Madaxweyne Hollande uu sanadkii 2012 uu qabtay shirar ku aadan sida suurta gal u yahay in dalka Greece laga saaro Yurub, sidoo kale 2011 ayaa Madaxweynihii hore ee Faransiiska Sarkozy uu isku dayay inuu bilaabo wadahadaladii Nabadda ee u dhaxeeya Israel iyo Falastiiniyiinta, iyadoo aanay Mareykanka laga qeyb gelin.
Sanadkii 2013 ayaa NSA waxaa lagu eedeeyay inay basaastay Hogaamiyaha Jarmalka Haweeneyda lagu magacaabo Angela Merkel, iyadoo taleefanadeeda la sheegay in la dhageysan jiray.