TOP NEWS:- Dood Adag Oo Wali Ka Taagan Habka Loo Soo Xulay Baarlamaanka Cusub Ee Maamulka Galmudug.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo dood ka dhalatay tirada rasmiga ah ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug , waxaana soo baxaya in Xildhibaano si hoose loo siiyay beelaha qaar.

Dastuurka la ansixiyay ee Maamulka Galmudug waxaa ku qoran in Xildhibaanada Baarlamaanka uu noqonayo 78-Xildhibaan ,hasa ahaatee waxaa muuqata in durbo la jabiyay qodobkaasi lana kordhiyay tirada Xildhibaanada iyada oon sharciyad loo heysan.

Gudoomiyaha Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobolada Dhaxe Xaliimo Yarey ayaa maanta Baarlamaanka Cusub ka hor sheegtay in tirada Baarlamaanka uu noqonayo 89-Xildhibaan ayna jiraan Xildhibaano loo qoondeeyay Ururka Ahlu Sunna oo maamula qeybo kamid ah Galgaduud.

Xildhibaanada qaarkood ayaa dood ka keenay awooda uu Guddiga Farsamada u leeyahay in Xildhibaano jeebkooda ah ku daraan Baarlamaanka ayna hareermaraan Dastuurka u degsan Maamul Goboleedka Dhismihiisu socdo ee Galmudug.

Guddiga Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe iyo Wasaarada Arimaha Guddaha ayaa lagu eedeeyay in iyagu ka dambeeyeen kordhinta tirada Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana jira beelo si hoose xildhibaano loo siiyay.

Beelaha qaarkood ayaa kasoo horjeeda in la kordhiyo tirada Baarlamaanka , waxa ayna taa badalkeeda ka codsadeen Guddiga Farsamada in la cadeeyo tirada la kordhiyay iyo beelaha la siiyay, waxa ayna Waxgaradka Beelaha Shirka ka qeyb galaya kasoo horjeedaan in si hoose Xildhibaano loo qeybiyo.

Maamulka loo dhisayo Gobolada Dhaxe ayaa lagu qeybsaday qaab beeleed iyo deegaan, waxaana la isweediinayaa in Ururka Ahlu Sunna iyana noqdeen Beel wax ka degta Gobolada Dhaxe , waxaana Ahlu Sunna xubno ka ah beelo kooban oo Gobolka wax ka dega kuwaa oo horey loogu qoondeeyay tirada ay Baarlamaanka ku leeyihiin.

Dowlada Soomaaliya iyo Ururka Ahlu Sunna ee Dhawaan la wareegay Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa waxaa u socda wadahadao , waxaana Kooxda Ahlu Sunna lagu qanciyay in Xildhibaano iyo xilal kale laga siinayo Maamulka Galmudug.